4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Al-shabaab oo soo bandhigtay filim ku saabsan Weerarkii ay ku qaadeen UNDP

Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay soo bandhigay muuqaal fiidiyow ah oo ku saabsan weerarkii ay ku qaadeen xarunta UNDP ee Muqdisho 19-kii Juune 2013-kii.

Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay albaabka UNDP, iyadoo rag hubeysan oo dharka ciidamada ku labisan ay gudaha u galeen xaruntaas, halkaasoo uu ka dhacay dagaal culus.

Filimkan oo soconaya muddo 46-daqiiqo ah ayaa waxaa ka dhex-muuqda xoogaggii Al-shabaab ka tirsanaa ee weerarka ku qaaday dhismahaas, halkaasoo lagu dilay shaqaale ajnabi ah oo ka tirsanaa Qaramada Midoobay.

Bandhigga muuqaalkan filimka ah ayaa lagu soo beegay maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa, iyadoo hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab oo dhawaan la dilay weerar ay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya