4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Madaxda Dalka iyo Dadweyne ku Tukaday Masaajidka Isbahaysiga (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Boqolaal qof iyo madaxda dowladda oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ku tukaday salaaddii ciidda ee maanta masjidka weyn ee Isbahaysiga Islaamka.

Amniga masaajidka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala, masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Salaadda kaddib ayaa waxaa khudbad u jeediyay mas’uuliyiintii iyo dadkii ku tukaday masaajidka guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari isagoo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed inay nabad iyo barwaaqo ku gaaraan ciiddan teeda kale.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan ayna dhexda u xirtaan sidii dalkan dib loogu dhisi lahaa loona nabadeyn lahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka oo ka hadlayay masjidka Isbahaysiga Islaamka.

DAAWO FIIDIYOW: SALAADDII CIIDDA EE MUQDISHO;

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed oo isna la hadlay dadweynaha ayaa sheegay inuu u rajeynayo horumar iyo inay ku ciidaan si nabadgalyo ay ku jirto.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka dalbaday shacabka inay nabadda qaybtooda ka qaataan ayna maanka ku hayaan dalkan uu ka baxay xilligii colaadaha uuna cagta saaray xilligii horumarka iyo nabadda.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ka mid ahaa sannadkan dadka gudanaya waajibka xajka ayaa weydiistay shacabka isagoo ku sugan Maka Al-Mukarama inay is-cafiyaan, is-gargaaraan si looga baxo dhibaatada iyo colaadaha dabada-dheeraday.

Ugu dambeyn, dadweyne fara badan ayaa waxay isugu soo baxeen jidadka waaweyn ee Muqdisho, kuwaasoo u dabaal-dagaya maalinta koowaad ee ciidda Carrafo, waxaana meelaha qaarkood lagu qalay xoolo fara badan oo loogu talogalay in dadka hilbo laga siiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya