4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Magaalooyinka waaweyn ee Gobolka Sool oo si Weyn looga Ciiday (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Guud ahaan gobolka Sool ayaa si weyn looga ciiday maanta, waxaana ciddu ay kusoo aadday xilli ay roobab xoog lahi ka da’yaan magaalada iyo daafaheeda.

Magaalada Laascaanood ayaa lagu tukaday salaaddii ciidda saddex goobood oo loo asteeyay, waxaana culummada iyo waxgaradku ay ka qayb-qaateen goobaha Salaadda Ciidal Adxa lagu tukanayay.

Maamulka gobolka oo uu u horreeyo guddoomiyaha gobolka Maxmed Faarax Aadan ayaa kula tukday dadweynaha masaajidka Jaamaca ah ee magaalada Laascaanood.

Magaalada Buuhoodle waxaa masaajidka Rowda iyo kan Jaamaca ah ku tukaday kumannaan dad ah; iyadoo ay kala qayb-galeen salaadda xubno ka tirsan mas’uuliyiinta maaamulka Khaatumo oo ka mid yahay wasiirka warfaafinta Axmed Gacma-yare.

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa tuulada Xamar-lagu-xidh oo ka tirsan degmada Buuhoodle uu kula tukadey dadka deegaanka.

Dhinaca kale, waxaa degmada Taleex barxadda Masallaha Ciidda ku tukaday dadka deegaankaas kula tukaday wasiirka Cadaaladda, Dastuurka iyo arrimaha fedraalka, Maxamed Cali Cartan Goohe iyo mas’uuliyiin kale, madax-dhaqameed iyo waxgaradka.

Ciiddan ayaa kaga duwan tahay kuwii ka horreeyay, iyadoo iyadoo dhamaan deegaannadu ay ahaayeen kuwo Rooban oo barwaqo ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool