4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Cali Khaliif Galeyr oo Nabad ku baaqay iyo Agoon loo Qaybiyay Dhar iyo Lacag


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan tuulada Xamar-lagu xir oo ka xigta degmada Buuhoodle dhinaca Koonfur-bari labaatameeyo KM ayaa sheegay in dhibaatada ka dhex-taagan maamulkiisa iyo Somaliland uu Alle ka baryayo inuu nabad ku dhameeyo, isagoo xusay in dhibaato faa’iido laga dhaxlin.

Masuuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa u kala baxay deegaano kala duwan oo ay ka mid yihiin degmooyinka Taleex, Buuhoodle iyo bariga Laascaanood si ay ugala qayb galaan shacabka maalinta ciidda.

Dhinaca kale, Jimciyada Taakulaynta iyo tababarka Agoonta ee Al-Ixsaan ayaa dhar ugu qaybisay 70-arday oo agoon ah tuuladda Adhi-Cadeye oo 30-Km dhinaca Waqooyi kaga aaddan magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Sheekh Siciid Axmed Cadar madaxa Jimciyada oo ka hadlay munaasibadaas ayaa sheegay in agabkan caruurta agoonta ah lagaga farixinayo ay soo gaarsiiyeen ururka Umu-Salama Al-khayriya oo xaruntoodu tahay Londhon.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu ka wrabixiyay agoonta ay haatan gacanta ku hayaan oo uu sheegay in 72 ka mid ah ay mas’uuliyadooda la wareegeen oo ay iyagu quudintooda iyo waxbaridoodaba mas’uul ka yihiin in ka badan 200 oo kalena ay u diyaarsan tahay sidii ay ugu raadin lahaayeen cid kafaala qaada.

Khadar Cali Jaamac oo ka mid ah Qurbo-joogta deegaankaas ayaa wuxuu u mahad-celiyay jimciyadan; waxaanu baaq u diray Qurbo-joogta iyo dadka dalka jooga oo uu sheegay in qaarkood ay ka hanti badan haystaan ay kuwa qurbaha ay ka qayb-qaataan caawinta iyo waxbarida agoonta.

"Ardayga 30 Doolar ayaa bishii ku filan marka loo eego waxbarashadiisa iyo cunnadiisa, waan awoodnaaye iyadoo aan qolo loo eegin ee Alle dhaantiisa iyo Soomaalinimo la eegay ha laga qayb-qaato," ayuu yiri Khadar Cali.

Ugu dambeyn, Jimciyada Al-Ixsaan ayaa sanadkii aan soo dhaafnay xaruntii u horreysay ka samaysay magaaladda Laascaanood waxaana sida Sheekh Siciid Axmed Cadar uu sheegay la gaarsiin doonaa tuulooyinka iyo degmooyinka si waxbarsho loogu helo agoon kumanaan gaaraya oo deegaannadaa iyo miyigoodaba ku filiqsan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool