4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Munaasabada Ciidda oo laga Maamuusay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Xili guud ahaan duniada muslimka ah, gaar ahaan deegaannada Soomaalida oo idil looga dabaal-dagayo munaasabada Ciidda-carafo ayaa siddaa oo kale magaalada Beledweyne dadka ku dhaqan waxaa ay u dabaal-dageen farxada maalinta Ciida.

Da dka ayaa labada ragco ee salaada waxaa ay ku oogeen ama ku tukadeen masaajida kala duwan ee magaalada,  gaar ahaan masjidka Al-Nuur waxaana dadka salaada kala qeyb-gallay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo markii danbe u jeediyay khudbad ku aadaneyn in leys cafiyo lagana wadda qeyb-qaato nabada.

“Maanta marka la eego dunida muslimka waxaa ka jirta daruur colaadeed, gaar ahaan Soomaaliya waxaa ugu baaqayaa anniga oo ka faa’ideysanaya munaasabadan ciidda in la joojiyo dagaal beelleedyadaleysna cafiyo  ayuu yiri,’’ Ugaas C/raxmaan.

Ciidda-carafo oo ah mid ciiddaha kale uga duwan ‘’Udxiyada’’ ayaa markii salaada laga baxay waxaa ay dadku bilaabeen in ay dib guryaha ugu noqdaan si ay u u gowracaan neefka ama xoolaha ay ugu tallagaleen in ay ku weyneynaa maalintan, halka kuwa aan awoodinna ay kala qeyb-qaadanayaan martiqaadka inta kale ee dhaqaalluhu u saamaxay in ay bireeyaan neefka Udxiyada.

Guud ahaan marka aad eegto jawiga magaalada waa mid degan, marka laga soo tago in dadka iska wareysanayaan dagaallo marka kale dib uga soo cusboonaaday deegaannka Deefoow oo 35km dhinaca W/qooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya