4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2014
Dagaal ka dhacay deegaanka Deefoow iyo dhaawacyo la keenay Beledweyne

Sabti, Oktoobar 04, 2014 (HOL) — Dagaal  oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed ayaa subaxnimadii hore ee saakay mar kale dib uga qarxay deegaanka Deefoow 35-km dhinaca W/qooyi kaga beegan magaalada Beleweyne.

Sidda dad goob joogayaal ah sheegeen dagaallka ayaa bilaawday kaddib markii garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda weerar ku culus ku qaadeen deegaanka oo ay  sugnaayeen maleeshiyaad kale oo hubeysan, waxaana wararku sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa la soo gaarsiiyay dhaawaca ilaa 10 ruux oo wax yeello ka soo gaartay dagaallka,halka tiro intaa ka badanna la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay  ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, wararkii ugu danbeeyayna waxaa ay sheegayaan in wali la maqlayo rasaas culus oo ay isku ridayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka,  saraakiisha ciidammada dowladda iyo kuwa nabad-ilaalinta AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Dagaalka Deefoow iyo deegaannada ku hareereysan ayaa salka ku haya muran la xiriira lahaashaha dhulka lagu dirirayo oo dhinac walba uu gaar u sheeganayo, waxaana marar badan fashilmay qorshayaal la doonayay in lagu dhameeyo khillaafka labada dhinac u dhaxeeya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya