4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Danjire Nicholas Kay oo Kulammo gaar-gaar ah la yeeshay Madaxda Dowladda


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay madaxda dowladda Somalia, isagoo kala hadlay khilaafka adag ee soo dhex-galay madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarahiisa.

Danjire Kay ayaa kulankii koowaad la yeeshay gudoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kulankaas oo albaabbadu u xirnaayeen qaatayna muddo saacdo badan, iyadoo uu goobjoog ka ahaa kulanka Nuuradiin Diiriye oo ah la taliyaha danjire Kay.

Inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay kulankooda uga hadleen Jawaari iyo Kay ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan in dajijre Nicholas Kay uu weydiistay Jawaari in khilaafka si hoos loo dhameeyo, isla markaana ay xal u raadin arrintan qayb ka noqoto beesha caalamka, balse Jawaari ayaa la sheegay inuu ku gacan-sayray taas uuna u sheegay inay dowladdu si gaar ah u dhameynayso khilaafkan iyadoo aanay cid kale soo faragelin.

Ergayga QM ayaa sidoo kale kulan la qaatay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh iyadoo aan laga hayn xog buuxda waxyaabihii ay ka hadleen maadaama uu kulankoodu ahaa mid albaabbadu u xiranaayeen loona diiday saxaafaddu in ay goobjoog ka noqoto.

Balse wararka qaarkood ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu ku adkeystay inuu xaq u leeyahay inuu golihiisa wasiirada isku shaandheyn ku sameeyo, taasoo uu sheegay inuu awood u siinayo dastuurka dalka, cid kalena uusan waxba ka weydiinayn.

Danjire Kay ayaa ugu dambeyn kulan la yeeshay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyagoo isla soo qaaday isku shaandheyntii iyo go’aankii uu ku diiday, iyadoo Kay uu ku wargeliyay madaxweynaha in khilaafkan uu noqon karo mid curyaamin howlaha dowladda laga sugayo, caqabadna ku keenaya geeddi-socodka Hiigsiga Cusub ee sannadka 2016-ka, kaasoo lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho xor ah oo dhacda.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay in isaguna uu ku adkeysanayo go’aankii uu ku diiday isku-shaandheynta kooban ee golaha wasiirrada lagu sameeyay shalay oo Sabti ahayd, sidoo kalena Xasan wuxuu sheegay inuusan diidayn in isku-shaandheyn lagu sameeyo xukuumadda laakiise uu qabo inay noqoto mid guud, isagoo tan hadda la sameeyay ku sheegay inay tahay mid aan u cuntami karin laguna beegsanayay xubno gaar ah oo golaha ka tirsan.

Khilaafka madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaarihiisa soo dhex-galay ayaa soo taagnaa muddo fog, balse uu ugu dambeyn shalay dibadda u soo baxay, iyadoo labadooda uu mid walba guluf ugu jiro sidii uu kaga guuleysan lahaa kan kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya