4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Golaha D. Hargeysa oo ka Dooday Diiwaan-gelinta Madaniga iyo Cashuuraha


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Kal-fadhigii sideedaad ee golaha deegaanka Hargeysa oo maalintii 3aad ka socda hoolka Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa lagaga dooday laba qodob oo kala ah ka qaybqaadashadda diiwaangelinta Madaniga ah iyo dardargalinta soo xereynta cashuuraha baaqda.

Kalfadhigan oo markii hore uu furay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa xildhibaanadda u sheegay inuu hawl u baxayo, isla markaana ku sii wareejin doono ku ku xigeenka maayarka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago Weyne).

Intaas ka dibna waxa shirgudoonkii la wareegay ku xigeenka maayarka Cabdicasiis Cago weyne, waxaanu xildhibanadda usoo jeediyey inay ka doodaan labadaasi qodob oo kalfadhigan horyaala, waxaanay xildhibaanadda intooda badan isla garteen inay diiwaangelinta Madaniga ahi muhiim u tahay dadweynaha, isla markaana xildhibaanadda loo qaybiyo degmooyinka caasimadda si ay ula socdaan qaabka hawshu u socoto iyo sida dadweynaha loo wacyigelin lahaa.

Sido kale, xildhibaanadu waxay soo jeediyeein in shaqaale dawladda hoose ka socda oo ku soo tobabarta qaabka shaqadda u socoto la geeyo goobaha diiwaangelintu ka socoto si hadhow ula soo wareegto dawlada hoose marka ay dhamaato ololaha diiwaangelinta wadanka laga hirgaliyo, kuwaas oo soo jeediyey in sodanka goobeed ee ay ka socoto la geeyo sodan shaqaale oo IT-ka dawladda hoose ah si ay macluumaad uga soo bartaan, kuwaas oo kharashkoodda dawladda hoose bixinayso.

Sidoo kale, waxay ka doodeen in goobaha dadka lagu diiwaangelinayo ay baajiyeen shaqaddii dawladda hoose ee dadka u qabanayso, islamarkaana loo baahan yahay in guryo u gaar ah loo kireeyo si hawlaha u kala socdaan, iyagoo xusay in xafiisyadda degmooyinka dawladda hoose ay mashquuliyeen diiwaangelinta madaniga ahi iyo dadweynaha safafka ugu jiraan kuwaas oo hawlihii caadiga ahaa  laga shaqayn karin.

Dhinaca kale, waxa iyaguna ka doodeen sidii cashuurta ku baaqay shacabka looga soo ururin lahaa, isla markaana mudaddda labadda bilood ah ee sanadkan ka hadhay la sameeyo olole cashuur ururin ah, iyagoo soo bandhigay meelaha cashuurta ku hadhsan iyo cashuuraha aanay wali qaadin oo ay waajibtahay inay dawladda hoose qaado.

Labadan qodob ayaa xildhibaanadu si xeer dheer uga doodeen, isla markaana isla afgarteen inay muhiim tahay sidii labadaasi qodob looga midho dhalin lahaa, isla markaana xildhibaanaddu ka qaybqaatan, iyagoo soo jeediyey in wakhtiyadan oo kale ay caado ahaan jirtay in olole cashuur ururin ah la sameeyo si dadka caadaystay inay cashuurta bixin ama cashuur diidka ah cashuurtii ku waajibtay looga soo qaadi lahaa.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay in guddiga dhaqaale soo dajiso nidaam iyo cashuuraha baaqday loo soo xareyn lahaa, iyadoo guddi hoosaadyada kale iyo xildhibaandda wakiilada ah degmooyinka loo samayn lahaa qorshe ay ka duulaan.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha Maxamed Aw Aadan Wayrax oo ka mid ah odayaasha golaha deegaanka Caasimadda ayaa sheegay in khilaafkii soo kala dhexgalay xildhibaandda si wanaagsan ku dhamaatay, isla markaana dadweynihii soo doortay ka raali galiyey khilaafkaasi iyo buuqii ka dhashay, isagoo xusay in meel shaqo ka  socoto mar walba is khilaaf iyo muran ka dhalan karo balse loo baahan yahay uun In si wanaagsan ku soo dhamaato.

Xildhibaanadda doodda maanta ka qaybqaatay wax aka mid ahaa xildhibaan Xasan Waxar, xildhibaan Mubaarak Malow, Xildhibaan Axmed Daahir, Xildhibaan Cabdilaahi Aw Aadan, xildhibaan Hanad Xaashi, Xildhibaan Cabdi Cali, xildhibaan Axmed Haybe, Xildhibaan Axmed Siyaad, Xildhibaan Cabdilaahi Siciid iyo Xildhibaan Maxamed Tima-Cadde.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland