4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
BAYLE: "Wafdi uu Hoggaaminayo Ban Ki-Moon ayaa Muqdisho Imaan Doona"


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa bishan Imaanaya Muqdisho, sida u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Booqashada Ban Ki-Moon ayaa waxay noqonaysaa tii labaad oo uu Muqdisho ku yimaado, iyadoo markan ay kusoo beegmayso iyadoo Somalia ay xilligii KMG ahaa ka baxday ayna ka jirto dowlad rasmi ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa yimid Muqdisho sannadkii 2012 xilligaasoo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii ugu dambeeyay madaxweynayaashii KMG ahaa ee soo maray dalka.

Wasiirka ayaa xusay in 29-ka bishan uu Muqdisho imaan doono xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-moon iyo wafdigiisa, ayna Muqdisho ku soo dhaweyn doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ayaa xusay inuu rumeysan yahay in burcadbadeedda iyo falalka afduubka ay geysteen ee maraakiibta lagu soo afjari karo; iyadoo la abuuro fursado shaqo oo noloshooda ay ku maareyn karaan.

C/raxmaan Bayle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasoo ay kaga qeyb-gali doono shirka wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD, kaasoo looga hadli doono arrimo ay ka mid tahay xaaladda Soomaaliya.

Waxaana shirkan uu ka qaybgalo guddoomiyaha bangiga adduunka, Dr. Jim Yong Kim, iyadoo wasiirku uu yiri. “Somalia waa waddan la tirsanayo, laguna tashanayo, waxaynu rajeyneynaa inaan gaarno horumarka ay dalal badan oo Bariga Afrika ku yaalla gaareen.”

Ugu dambeyn, imaanshaha Ban Ki-Moon ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu jiro khilaaf weyn oo u dhexeeya madaxda dalka, kaasoo haatan dibadda u soo baxay, iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku isku bedeli doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya