4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Prof. Jawaari oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Dalka (DHAGEYSO)


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay khliaafka soo dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, isagoo isla maanta u ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in dowladda ay u dhameystiran yihiin hay’adaha dastuurka ah, isla markaana uu kalsooni weyn ku qabo in xaliyaan arrinta ku aaddan kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya madaxda dalka oo dibadda u soo baxay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba u sheegayaa inay is-dajiyaan ayna ku kalsoonaadaan hay’adaha dastuuriga ah ee waddanka, dowladduna ay awood u leedahay in arrimaheeda gaarka ah ay gudaha ku xaliso,” ayuu yiri Jawaari.

DHAGEYSO CODKA JAWAARI:

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa hadalkiisa ku daray in hay’adaha gaarka ah ee dastuurka ay awood u leeyihiin inay xal kama dambeys ah ka gaaraan khilaafyada soo dhexgalay madaxda dalka.

Dhanka kale, Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo lagu wado in berri uu halkaas kusoo gaba-gabeeyo shirka looga hadlayo maamul u sameynta gobollada ku yaalla Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo muddo bil ka badan Baydhabo ka socday.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh, kaddib markii ay isku khilaafeen is-bedel kooban oo lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya