4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD oo ka furmaya Addis Ababa

Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Wasiirka arimaha dowladda Somaliya Cabdiraxman Ducale Bayle iyo xubno masuuliyiin ah oo isla dowladda ka tirsan ayaa maanta ka dhofay magaalada Muqdisho ,iyaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee  dalka Itoobiya.

Waxaa wasiirka uu halkaa kaga qayb-galaya shirka wasiirada arimaha dibada ee xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ,oo ka furmaya Addis Ababa ,iyadoo ay soo xaadiri doonaan dhamaan wasiirada arimaha dibada ee ururkan ku jira.

Inta u socdo shirkan waxaa si gaar ah diiradda loogu saari doono arimo ay ka mid yihiin amniga gobolka ,wax ka qabashada colaadaha , abaaraha iyo in horey loo sii wada xiriirka iskaashi ee dalalka ku midaysan ururka goboleedka IGAD oo ay Somaliya ku jirto.

“Maanta waxaan safar shaqo u aadayaa Itoobiya oo uu  ka furmayo Shir muhiim ah oo horumarinta looga hadlayo “ayuu yiri wasiirka oo si kooban warbaahinta ula hadlay ka hor intii uusan ka dhoofin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu danbayn, madaxweynaha dowladda Sudan Al-Bashiir ayaa ka codsaday xubnaha shiraya in si gaar ah loo qiimeeyo xaalladda Koonfurta Suudaan oo muddo sanad ka badan ay ka jiraan colaado sokeeye oo sababay inay dad ka badan boqollaal qof ah, ayna ku barakeen tiro intaa ka badan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]