4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Wasiirka Garsoorka oo Maanta tababar u soo xiray shaqaalaha Wasaaraddiisa


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa maanta tababar saddex maalmood socday u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kaasoo shaqaalaha lagu  baranaayay maareynta xafiisyada.

Agaasimaha maamulka, maaliyadda iyo shaqaalaha wasaaradda garsoorka  ahna ku-simaha xoghaya joogtada ah ee wasaaradda, Maxamed Caabbi Xasan ayaa sawir guud ka bixiyay tababarka lasoo xiray, isagoo sheegay in muhiimadiisu ay tahay in shaqaalaha aan culeys lagu saarin shaqada keliya, balse loo sameeyo kobcin iyo aqoon kororsi joogta ah si ay u gutaan waajibka shaqo ee loo igmaday.

“Tababarku wuxuu qayb ka yahay qorshe hawleedyada wasaarada, waxaana ku dadaali doonnaa inaan shaqaalaha heerarkooda kala duwan aan tababar siino mar walba,” ayuu yiri Caabbi.

Sidoo kale, Faarax Sh. C/qaadir oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa xusay inay tahay waajib shakhsi ah iyo mid wasaaradeed in mar walba tababarro la siiyo shaqaalaha wasaaradda isagoo ku guubaiyay shaqaalaha tababarka loosoo xiray inay fuliyaan kuna camal falaan casharadii ay intii uu tababarku socday qaateen.

“Ujeeddada tababarradan laga leeyahay waa in dadka Soomalaiyeed ee  u shaqeeya dowladda ay noqdaan dad shaqada lagu aamini karo, kuwo lagu aamini karo mas’uuliyada dawladadeed, hantida ummadda iyo higsiga aynu ugu jirto dhismaha dawladnimada Soomaaliyed oo aan hubo inay maanta marayso meel aad iyo u wanaagsan,” ayuu yiri wasiirka garsoorka.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaan u ballan-qaadayaa intii awoodayda iyo tan wasaaradda ah in xooggeenna la galiyo tayaynta shaqaalaha. Taasoo aanu doonaynaa inay ka muuqato shaqadeenna, dhaqankeena, muuqaalka qofka shaqaynaayo, goobta lagu shaqaynaayo iyo inaan ka gudubno maxaa iga galay dawlad baa iska leh. Dhaqankaas inuu dhamaado ayaan rajaynayaa. Qarankan idinka ayuu idiin baahan yahay.”

Mar uu ka hadlayay howlaha wasaaraddu wado ayuu xusay inay garsoorka iyo dastuurkaba meelo wanaagsan marayaa, iyadoo shuruucdii garsoorka qaarna la dhameystiray inta kalena lasoo dhamaystiri doono. Wuxuu kaloo sheegay in gudigii arrimaha dastuurka ay Xamar soo galeen oo hawshooda billaabeen.

Wasiirka ayaa sheegay inay wasaaraddiisa xoogga saarayso ka faa’iidaysiga khubarada Soomaalida ah ee awoodda u leh inay tababaraan shaqaalaha wasaaradda halkii ay u diri lahaayeen safar tamashlayn ah oo dibadaha loo aado, kharash badana lagu bixiyo. Taa badalkeeda waxay wasaaradda xoogga saartay in shaqaalaha aqoonta leh ee jooga ay siiyana tababarro kuwa aqoontooda hooseyso halkii khubara ajnabi ah xoogga la saari lahaa.

“Dhaqanka tababarka ee ah in hoteello la aado, shaqada laga maqnaado oo dibadaha la wareego, hoteel ajnabi la seexdo, lacag badan ay ku baxdo  iyadoo aqoontaas mid la mid ah dadkii lahaa ay dalka joogaan waa nasiib-darro. Dhaqankaas waan badalnay waana uga mahad-celinayaa Waaxda qorshaynta iyo tababarrada wasaaradda. Wixii aan ka maarmi wayno annaga ayaa na naqaana cida aan u dirsanayo,” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Xiritaanka tababarkan ayaa kusoo beegmaya wasiirka garsoorka uu sheegay ra’iisul wasaaruhu inuu ka wareejiyay wasaaraddiisa, balse uu taas kasoo hor-jeestay madaxweynaha Soomaaliya oo mar ku bixiyay in wasiir walba uu shaqadiisii sii wato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya