4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka bad-baaday isku-day dil

Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka badbaaday isku-day di loo lagu qaarijin lahaa, kaddib markii gaari uu watay ay rasaas ku fureen dabley hubeysan gaari kale watay.

Mudanahan ayaa ka mid ahaa nidaamiyeyaasha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kooxaha hubeysan ay ku rasaaseeyeen xaafadda Taleex ee degmada Hodan, xilli uu ku socday hoteel uu deggenaa.

Dad goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in dableyda ay ka caabiyeen qaar ka mid ah ilaalada hoteelkii uu deggenaa. Iyagoo kooxaha rasaasta ku furay xildhibaanka ay markiiba goobta ka baxsadeen.

“Gaariga xildhibaanka muraayadaha oo dhan ayaa ka daatay, koox dabley ah oo xirnaa dharka ciidamada ayaa rasaasta ku furtay, balse Alle mahaddii xildhibaanka waxaa difaacay ilaalada hoteelka uu ku socday oo ahaa midka uu deggen yahay,” ayuu yiri ruux goobta ka dhawaa oo warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.

Xildhibaanka ayaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray muraayadihii gaariga oo ku daatay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ka tirsan baarlamaanka Somalia, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka xildhibaanka.

Inta lagu jiro sannadkan ayaa waxaa Muqdisho lagu dilay tiro xildhibaanno ah oo ay ku jiray xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ahayd haweeneydii uug horreysay oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka oo Muqdisho lagu dilo.

Weerarka xildhibaankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu khilaaf uu u dhexeeyo madaxda sare ee dowladda, kaasoo salka ku haya sad-bursi dhinaca awoodda dowladda ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya