4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Guddoomiyaha wakiilada Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay xukuumadda


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Kalfadhigii golaha wakiiladda ee maanta maanta dhici lahaa ayaa baaqday ka dib markii xildhibanaadda muxaafadka soo fadhiisan waayeen hoolka shirarka ee golahaasi.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn ee xildhibaanadda la iskugu yeedhay ayaa la doonayey in lagu ansixiyo guddida doorashooyinka qaranka oo dhowaan la magacaabay iyo in miisaaniyadda 2015-ka lagu ansixiyo, haseyeeshee xildhibaanada muxaafadka ee caqlabiyadda u badan ayaa sheegay in aanay soo xaadireen illaa uu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu ka qanciyo qodobo la sheegay inuu ku darsaday xeerka diiwaangelinta oo loo gudbiyey golaha Guurtidda.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay in xildhibaanadda muxaafadka ahi shalay shir loogu qabtay guriga madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo ku soo shiray inay baajiyaan kalfadhigan, isagoo ku eedeeyey xukuumadda inay doonayso in muddo kordhin loo smaeeyo taasina ay tahay carqaladda ay u baajinayso ansixinta guddidan doorashooyinka.

“Waxaanu iclaaminay oo xildhibaanadda iskugu yeedhnay kalfadhi aan caadi ahayn si loo ansixiyo laba qodob oo kala ah guddida doorashooyinka iyo miisaaniyadda qaranka, waxana  kalfadhigaasi lagu baajiyey shirka shalay ka dhacay guriga madaxweyne ku xigeenka oo ay iskugu yimaadeen xildhibaano badan oo ka tirsan golahan taas oo loo sheegay in aanay soo xaadirin kalfadhigan”ayuu yidhi gudomiyaha golaha Wakiiladda Cirro.

Guddoomiyaha oo la waydiiyey xeerkan diiwaangelinta ee xildhibaanaddu ku doodayaan in wax laga bedelay inuu jiro iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “xeerkii loo codeeyey ayaa loo gudbiyey golaha Guuritda, Guurtidu xaq bay u leedahay inay wax ka bedesho, haddii dib loo soo celiyana xaq waxa loogu leeyahay in wakiiladda la keeno oo laga doodo,laakiin xeerkii goluhu ansixiyey ayaa loo gudbiyey golaha Guurtidda welina wuu ku maqan yahay”

C/raxmaan Cirro ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay doonayso inay carqaladayso doorashadda, isla markaana muddo kordhin ay rabto, waxaaanu yidhi “way cadahay cidda daahinaysa doorashadda, dadkuna way arkayaaan, waxaana caalamka usoo ballanqaadnay sadexdayadda gudoomiye in degdeg loo ansixiyo guddida Doorashooyinka”

Haseyeeshee, xildhibaanada muxaafadka ayaa sheegay inay gudoomiya golaha wakiilada ka sugayaan sababta keentay in xeer la ansixiyo uu ku daba daro qodob uu ku jiro ilaa uu arrintaasi raalin galin ka bixyio mooyee aanay fadhiisan doonin.

“Xildhibaannadu qoraal ayey u gudbiyeen gudoomiyaha si khaladkaasi dhacay ee guurtida loo gudbiyey loo sax, xeerkii  goluhu u codeeyey ayuu gudoomiyuhu wax ka bedelay ka dibna u gudbiyey golaha Guurtida ilaa uu taas ka hadlo wax kale lama galayo in laga wada hadlana ma ogola”ayuu yidhi  Xildhibaan Cabdilaahi xuseen Cigge oo u hadlayey xildhibaanadda muxaafadka ah.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa dib u fasaxay golaha ilaa bisha dambe ee November horaanteedda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland