4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta ee gobolka Jubbada Hoose oo is-casilay
Axad, 26 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Gudoomiyihii xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose Burhaan Max'uud Xasan (Kukuuyu) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hoteel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo, ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax caqabad ah oo ka horyimid howlihiisii shaqo balse uu iskii isu casilayo, isagoo xusay in uu ku faraxsanyahay in mudadii uu xilka hayay ay si wanaagsan ula shaqeeyaan xubnaha kale ee uu leeyahay xiriirka gobolka iyo weliba kooxaha kala duwan ee ka dhisan degmooyinka gobolka J/hoose.

Burhaan Kukuuyu ayaa sheegay in sida uu qorayo xeerka u yaal isboortiga in xilka uu si KMG ah u heyn doono kuxigeenkiisa, isagoo ka codsaday xubnaha isboortiga gobolka in ay la shaqeeyaan gudoomiye kuxigeenka inta laga dhisayo hogaan cusub oo uu yeesho isboortiga gobolka.

Qaar kamid madaxda Isboortiga gobolka oo iyaguna kahadlay xafladdii is casilaadda gudoomiyaha ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin in Burhaan uu is casilo, iyagoo sheegay in mudadii uu xilka hayay uu la yimid waxqabad ballaaran oo la taaban karo.

Burhaan Max'uud Xasan Kukuuyu ayay  shanta kooxood ee ka dhisan degmooyinka gobolka J/hoose u doorteen in uu hogaamiyo dabayaaqadii sanadii 2013, waxaana mudadii uu xilka hayay uu isbadal baaxad weyn ku sameeyay isboortiga gobolka, iyadoo waxyaalaha la taaban karo ee uu qabtay ay kamid yihiin; koobab uu u qabtay xaafadaha magaalada Kismaayo, kooxaha degmooyinka gobolka J/hoose oo uu Kismaayo isugu keenay isagoo u qabtay tartan, dib u dhis lagu sameeyay garoonka iyo weliba rajadii dhalinyarada ee dhanka cayaaraha kubadda cagta oo dib usoo laabatay.

.........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.