4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Danjiraha Suudaan ee Soomaaliya oo Warqadihii Aqoonsiga laga Guddoomay


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waraaqihii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Suudaan ay u soo magcaawday Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo danjire Maxamed Yuusuf Cismaan oo kulan gaar ah oo ay yeesheen uga hadleen arrimo badan oo labada dal quseeya iyo sidii Sudan ay u sii xoojn lahayd taageerada ay Soomaaliya siinayso, kuwaasoo ay ka mid yihiin; deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ay siiso Sudan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia, C/raxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in safaaradda Sudan ee Somalia ay ka mid ahayd safaaradihii aan xirmin tan iyo intii uu dalku burburka iyo colaadaha ku jiray, wuxuuna intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay in Muqdisho ay kusoo dhaweeyaan safiirka cusub ee dowladda Suudaan u soo magacaawday Soomaaliya.

Danjire Maxamed Yuusuf Cismaan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in warqadda aqoonsiga safiirnimo laga guddoommo, wuxuuna hadalkiisa ku daray in madaxweynaha uu u gudbiyay dhambaal uu uga siday dhiggiisa Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya