4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Qaramada Midoobay oo Ciidamada Kenya ee AMISOM u jeedisay eedeyn Kulul


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Safiirka Britain ee Qaramada Midoobay, Mark Layal ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku lug leeyihiin ganacsiga sharci-darrada ah ee dhuxusha Soomaaliya.

Mark Layal oo saxaafadda kula hadlayay New York ayaa sheegay in ciidanka Kenya iyo qaybo kale ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga dhuxusha sida sharci-darrada ah looga dhoofiyo dekada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Eedeyntan ku saabsan ku lug lahaanshaha ciidamada dalka Kenya ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa kusoo beegantay maalin kaddib markii ay isku raaceen xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar lagu baarayo maraakiibta timaadda Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa waxaa ka aamusay dalalka Ruushka iyo Jordan, iyadoo ay u codeeyeen 13 dal oo ay ka mid ahaayeen Nigeria, Rwanda iyo Chad oo ah seddexda dowladood ee Africa kaga jirta golaha ammaanka ee QM.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu horjoogsanayo dhaqaalaha Al-shabaab kasoo gali jiray dhoofinta dhuxusha Somalia, taasoo ay goluhu ku tilmaameen inay dhabar-jab ku noqonayso dagaallada ay Al-shabaab ka waddo dalka.

Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa ka howlgala gobollada Koonfurta Somalia sida Jubbooyinka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay Qaramada Midoobay ku eedeysay inay qayb ka yihiin dhoofinta dhuxusha.

Ma jirto illaa hadda wax jawaab ah oo ay dowladda Kenya ka bixisay eedda kaga timid QM, iyadoo horay ay madaxda Kenya u beeniyeen inaysan waxba ka jirin eedeymo arrintan ku saabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya