4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 26, 2014
Maxkamada ciidanka oo toogatay rag ku eedeysanaa dilkii wariye Tima-cadde


Axad, Oktoobar 26, 2014 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay saaka labo nin oo lagu eedeeyay in sannadkii hore ay dileen wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo ka howlgalayay TV-ga Universal.

Labada nin ayaa horay maxkamaddu ugu xukunatay dil toogasho, iyadoo lagu fuliyay xukunkaas saakay, waxaana lagu toogtay iskoolka booliiska, halkaasoo ay ku suganayeen saraakiil iyo mas’uuliyiin maxkamadda ka tirsan.

Ehellada labada ruux iyo kuwa wariye Tima-cadde ayaa iyaguna goobta ku sugnaa, iyadoo mas’uuliyiinta maxkamaddu ay sheegeen in labadan nin ay qirteen inay geysteen dilka wariyaha.

Dhallinyaradan la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Cali Bashiir Cusmaan oo 22 jir ahaa iyo C/llaahi Shariif Cusmaan oo 25 jir ahaa, iyadoo saraakiishu ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab.

Allaha u naxariistee Wariye Tima Cadde ayaa 22-kii Oktoobar 2013-dii lagu dhaawacay degmada Wadajir, isagoo isla 27-kii bishaas dhaawicii gaaray ugu dhintay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Dilka toogasho ee lagu fuliyay raggii dilay wariyahan ayaa imaanaya iyadoo uu wariyuhu mootan yahay hal sano oo buuxda, iyadoo aysan ahayn markii uug horreysay oo maxkamadda ciidamadu ay toogasho ku disho rag siyaabo kala duwan dilal uga geystay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya