4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya oo kasoo horjeestay Isku-shaandheyntii Golaha Wasiirrada Somalia


Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa caawa war kasoo saaray isku shaandheyntii koobnayd ee ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh uu ku sameeyay maanta golaha wasiirrada xukuumadda, isagoo sheegay inuu kasoo hor-jeedo isku shaandheyntaas, isagoo wasiirradii la isku bedelay ku guubaabiyay inuu wasiir walba sii wato howlaha wasaaraddii lagu ogaa, isku shaandheyntana aysan saameyn ku yeelanayn.

Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay nasiib-darro weyn tahay in iyadoo lagu howlan yahay dhamaystirka barnaamijyada dalka doorashooyin lagu gaarsiinayo iyo ansixinta hindise sharciyeedyada muhiimka u ah dowlad-dhisidda in raisul wasaarahu si is-dabajoog ah u soo saaro go’aano tashwiish ku abuuraya geeddi-socodka dawlnimada iyo wada=shaqaeynta hay’adaha dawliga ah.

Isagoo sii hadlaya ayuu madaxweynuhu mar kale yiri; Waxaan dhawr jeer, anigoo eegaya danta guud u dulqaatay tallaabooyin qalafsan oo xad-gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee madaxweynaha iyo kan dastuurkaba, kuwaa oo aan ka xusi karo:

1. Inuu xil ka qaaday, magacaabayna wasiirro isagoo aan wax wada-tashi ah la yeelan madaxweynaha jamhuriyadda federaalka Soomaaliya;
2. Inuu saraakiil sare xil u magacaabay, kuwa kalena uga qaaday si aan waafaqsaneyn dastuurka.

Ugu dambeyntii, maanta wuxuu ku dhawaaqay wuxuu ku sheegay isku-shaandeyn wasiiro, isagoo aan wax wada-tashi ah kala sameyn arrintaas Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Sidaas darteed, anigoo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, sidoo kalena ilaalinaya habraaca dawliga ah, qawaaniinta iyo shuruucda dalka u degsan, waxaan go,aamiyay:

1. Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan golaha wasiirradda ee kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;

2. In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, saameynna aanay ku yeelan warka maanta kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha;

3 In ciidamada ammaanku sii adkeyaan siina wadaan howlgallada hadda socda;

4. In saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yiri. “Waxa xusid mudan inaan mar walba hoosta ka xariiqo si loo unko Qaran Soomaaliyeed ayna taasi u tahay lagama maarmaan wada=tashi, is maqal iyo wada-shaqeyn joogta ah. Taasoo ku dhisan tixgelin, xurmad iyo kala dambeynta dawliga ah.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrimahaas oo dhan waxay inoo horseedeen inaan maanta dowladnimada Somalia aan soo gaarsiinno meel lagu faani karo oo isla xisaabtan ku dhisan. Isagoo intaas ku daray inay diyaariyeen siyaaseed ee lagu gaarayo 2016-ka, kaasoo ay saldhig u yihiin qodobbada hoos ku qoran:

1. Dib U eegista iyo dhaqan-gelinta dastuurka;
2. Dhisidda maamul goboleedyo federaali ah iyo
3. Dimoqraadiyeynta dalka oo ku salaysan doorasho xor ah oo dhacda 2016.

Waxaa sidoo kale guulo wax ku ool ah laga soo hooyey dagaalka ka dhanka ah kooxaha xag jirka ah, iyadoo sida la wada og-yahay dib loogu soo celiyay gacanta dawladda gobollo badan oo ay Al-shabaab horay uga talin jireen oo ay ugu dambeysay guushii laga soo hooyey xorreynta degmada Baraawe.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu qoraalkiisa ku yiri. Waxaa guulo laga gaaray dib u dhiska kaabayaasha hay’adaha dowladda. Waxaa kaloo guulo lataaban karo laga gaaray maamul u samaynta gobollada intooda badan. Waxaa nagu soo haya foodda u diyaar garowga shirka caalmi ah oo lagu qaban doono magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, kaasoo looga hadlayo arrimaha Somalia.

Dhanka kale, hadal lagu soo daabacay Facebook Ra'iisul Wasaaruhu uu ku qoran yahay ayaa lagu sheegay in ra'iisul wasaaruhu uu ka jawaabay, balse Facebook-gaas ayaa naloo xaqiijiyay inuusan ahayn mid uu leeyahay ra'iisul wasaaraha, balse uu mid kale leeyahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya