4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
Dibadbax lagu Taageeray Ciidanka Jabuuti oo Maanta ka dhacay Beledweyne


Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Dibadbaxan oo ahaa kii ugu ballaarnaa oo sannadihii ugu danbeeyay ka dhaca magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeyb-gallay  mas’uuliyiin maamulka gobolka Hiiraan, ardeyda wax ka barata dugsiyada magaalada iyo dad weyne ka kooban qeybaha bulshada kuwaa oo muujinayay sidda ay uga xun yihiin shaqaaqadii lagu gubay dhawaan calanka dowladda Jabuuti.

Dibadbaxayaasha oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xassan Afrax ayaa socod dheer ku maray jidka halbowlaha u ah magaalada, waxaana hadba ku soo biirayay dad siweyn uga careysnaa in la gubo calanka Jabuuti.

Fagaaraha daljirka dahsoon oo aheyd halkii dhawaan lagu gubay calanka dowladda Jabuuti ayaa la saaray calamada dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana halkaa salaan sharaf ku siiyay ciidammo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha maamulka gobolka oo la hadllay dadweynihii isku soo baxay ayaa sheegay in marnaba aan la cafin doonin dadkii ka danbeeyay in dab la qabadsiiyo calanka Jabuuti, islamarkaana arrintaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka ku raad joogaan.

“Cid kasta oo ka daneysay in falkaa lagu kaco sharciga ayaa la horkeeni doonaa, maamulka waqti badan ayuu ku bixinayaa siddii loosoo heli lahaa dadkii ka danbeeyay falkii lagu gubay calanka dowladda Jabuuti ayuu yiri,’’ guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ururka midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan Maxamed C/llaahi Buraalle [Raaxeeye] oo isna ka hadllay dibadbaxa ayaa sheegay in ay jiraan gacmo kale oo doonaya sidda uu hadalka u dhigay in ay iska horkeenaan shacabka iyo ciidamada Jabuuti.

“Waxaan is leenahay waxaa jira gacmo kale oo arrintan ka danbeeya, ciidamada Jabuuti iyo shacabka Beledweyne waa kuwo isku xirran, sidda daraadeed waxaa jira shaqsiyaad doonaya inay arrintaa ka faa’ideystaan si qaladan wax u maamulay," ayuu guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka yiri.

Ardaydii ka qeyb-gashay dibadaxa ayaa sidatay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhegyo lagu taageerayay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo calanka dowladda Jabuuti.

Dibadbaxa maanta ayaa la oran karaa waxaa uu ahaa mid aan loo kala harin oo ay ka wadda qeyb-galleen inta badan dadka reer Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya