4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
UNOCHA oo Sheegtay in Carruur badan oo Soomaaliyeed ay Khatar ku Jiraan


Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Hay’adda UNOCHA oo arrimaha bani’aadamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay manta ku xustay in qiyaastii 218,000 oo caruur Soomaailyeed ah da’dooduna ka yar tahay shan sano ay lasoo daristay khatar dhinaca nafaqada ah.

UNOCHA ayaa sheegtay in tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan ay tirada caruurrta Soomaaliyeed ee ay nafaqo-darradu haysato sare u soo kacaysay, waxayna xustay in haddii aan gargaar deg-deg ah lala gaarin ay xalaaddu ka sii dari doonto.

Qiimeynta ay hay’ddu sameysay ayay ku sheegtay in xalaadda cunno-yar ee haysata dadka soo barakacay ay tahay mid aad xasaasi u ah; iyagoo intaas ku daray in toddoba magaalo oo ay ku nool yihiin dad soo barakacay ay ka jiraan xaalado dhinaca nolosha ah iyo nafaqo-darro baahsan.

Sidoo kale, hay’ado dhinaca nafaqada ka shaqeeya oo xiriir la leh UNOCHA ayaa sheegay in carruurta nafaqo-darradu haysato ay u baahan yihiin inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku helaan gargaar iyo raashinka nafaqooyinka lagu soo celiyo, haddii aan la helinna ay khatar ugu jiraan geeri.

Gobollada ay xaaladahan nafaqo-darro ku haysato kumannaanta carruurta ah ay ka mid yihiin; Banaadir, Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose iyo sidoo kale gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhanka kale, UNOCHA iyo hay’adaha wada-shaqeynta ay kala dhexeyso ayaa sheegay in xaaladaha nafqo-darro ee haysta barakacayaasha ku nool  gobollada Galguduud iyo Jubbooyinka ay kaga hadli doonaan warbixin kale oo soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, haddii xaaladda xun ee cunno-yarida ah si deg-deg ah wax looga qabana laga yaabaa inay kordhaan carruurta qoysaska kasoo barakacay deegaannadoodii ee ay nafaqo-darrada ba'an hayso.

Hay’adahan waxay sheegeen in sidoo kale cudurka jadeecada uu aad ugu soo badanayo xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, uuna ku hayo khatar weyn carruurta ay da’doodu ka yar tahay, iyadoo goobahaasina aysan ka jirin sida ay sheegeen tallaalkii loo baahnaa in looga hortago.

Ugu dambeyn, hay’adda UNHCR ayaa sheegtay tiro ka badan 7,000 oo qof ay bilihii Ogoosto iyo September ee sannadkan ay deegaannadoodii uga soo carareen dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladd, AMISOM iyo kuwa Al-shabaab. Kuwaasoo intooda badan xeryo KMG ah ka sameystay gobollada Bay iyo Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya