4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
Taliska Ciidanka Xoogga oo Faahfaahin ka bixiyay Xarigga L/Xidigle Cukaash

Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Taliska ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa ka bixiyay faahfaahin markii ugu horreysay xarigga laba xiddigle Cismaan Cilmi Guure (Cukaash) oo la xiray dhawaan, kaddib markii uu tiriyay gabay uu ku caayay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada xoogga ayaa lagu sheegay inay ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaan inaysan jirin wararka warbaahinta qaarkeed ay baahisay oo ku saabsan in taliska uu lunsaday dhaqaale loogu talo-galay ciidmada xoogga iyo sababaha loo xiray, Laba xiddigle Cusmaan Cilmi Guure (Cukaashe) oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka oo tiriyay tix gabay uu aflagaado ugu geysanayo saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo ay baahiyeen warbaahinta qaar in xarigiisu uu sharci-darro yahay, balse xarigiisa uu yahay mid sharci ah oo waafaqsan sharciyada milatariga Soomaaliya.

“Wararka ku saabsan arrintan ee saxaafaddu faafisay waa kuwo sharci-daro ah oo sal iyo raad aan laheyn, isla markaana dano gaar ah laga leeyahay; loona baahan yahay in warbaahinta ay ku fududeen wararka noocaas ah oo kale, isla markaana lagu dhaawacayo sharafta iyo jiritaanka ciidanka xoogga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale, talisku wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in marka dib loo jalleeco ay sharci-darro tahay in askari uu askari kale aflagaado u geysto; haddii uu u geystaana uu wajahayo ciqaab, waxaana taliska ciidanka xoogga dalka uu u  cadeynaynaa warbaahinta qortay in Cukaash uu ahaa korneyl inuusan ahayn balse uu yahay Laba xiddigle; loona baahan yahay in warbaahinta aysan ku fududaan qoritaanka wararka noocaas ah, ayna fahmaan darajooyinka sida loo kala leeyahay.

Ugu dambeyn, qoraalka taliska waxaa lagu xusay in Cukaash horay loogu magacaabay in taliye uu u noqdo laba urur, kuwaasoo uu wadi waayay howshooda, taasoo sabab u noqotay in xilka laga qaado, isagoo qayb ka noqday saraakiil darajooyin been abuur watay oo laga xayuubiyay, lana siiyay darajada laba xiddigle, kaddib markii dib u sixid lagu sameeyay gabi ahaan darajooyinka saraakiisha ciidamada xoogga dalka; halkii uu horay uga watay darajada Gaashaanle dhexe.

Gabayga uu tiriyay sarkaalkan ayay taliska ciidamada xoogga dalka ku sheegeen inuu ahaa mid ka dhashay darajadii uu watay, kaasoo uu ku sumcad dilayay qaar ka mid ah taliska ciidamada xoogga dalka, taasna awgeedna la xiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya