4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
Beel Soomaaliyeed oo dhaliishay habka dhismaha Maamulka Gobollada dhexe

Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Beesha Murusade oo ka mid ah beelaha wax ka daga gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhaliishay habka ay dowladda federaalka Soomaaliya u marayso dhismaha maamulka loo dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud.

War-saxaafadeed ay beeshan Muqdisho kasoo saartay ayay kaga hadleen maamulka loo dhisayo gobollada dhexe, iyagoo sheegay inaysan diidanayn in maamul wadajir ah loo sameeyo gobollada dhexe, balse ay ku talinayaan in maamulkaan uu noqdo mid ay wada-sameystaan dadka dega gobollada dhexe ee Somalia.

“Innagu waxaan doonaynaa in qaabka maamul-dhisidda gobollada dhexe ee Somalia loo maray waddo xalaal ah, dimuqraaddi ah, qayaxan, cadaaladna ay ku dheehan tahay, isla markaana noqda mid ay beelaha gobolladaas dega ay u wada dhan yihiin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay beeshan kasoo saartay Muqdisho.

Sidoo kale, waxay qoraalkooda ku sheegeen xubnaha beeshan in mabaadi’da cadaaladda iyo sinnaanta aysan ogoleyn in cidna lagu qasbo heshiis aysan qayb ka ahayn saxiixiisa.

Bayaanka ay soo saaartay beeshan oo ka koobnaa 13-qodob ayaa waxaa ku sxiixnaa 27 oday dhaqameed, waxaana ay dowladda Somalia kula taliyeen in ay dib u eegsi ku sameyso qaabka dhismaha maamulkan.

HALKAN KASOO ROGO BAYAANKA SI AAD U AKHRISATO:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya