4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
Kal-fadhigii 34-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta ka furmay Garoowe


Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wakiillada Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe, iyadoo ay soo xaadireen inta badan saddexda gole ee maamulku uu ka kooban yahay.

Waxaa kalfadhigan diiradda lagu saaray arimo ay kamid yihiin ansixinta miisaaniyadda dowladda, la xisaabtanka hay’adaha dowliga ah, dhaqaalaha, amniga  iyo xiriirka maamulka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Punltand Cabdi Xakin Cumar oo shirka furay ayaa sheeagy in kulankan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay hirgalinta qorshayaasha la hiigsanayo inta ka hartay sanadkan aynu ku jirno ee 2014-ka.

“Xaaladda nabad-galyada guud ee dalku waa ay fiicantahay inkastoo ay jiraan dhacdooyin ay mararka qaar soo maleegaan kooxaha dhagar-qabayaasha ah, taasoo inta badan ciidanka amniga ay fashilayaan “ayuu yiri Camey oo kulanka qudbad dheer ka jeediayay.

“Waxaan ballan-qaadeynaa in sanadka 2015-ka uu dhaqaalaha wadanka isbadal sameeyo ,waxaannu gacanta ku haynaa diyaarinta miisaaniyadda sanadka cusub ,waxaan ku rajo weynnahay in Bankiga aduunka uu arimahan naga caawiyo “ayu mar kale yiri Camey oo ka hadlayay dhaqaalaha Puntland.

Ugu dambeyn, guddomiyaha wakiillada Puntland ayaa goobta ka  sheegay in maamulkooda iyo dowladda Somalia uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan ka dib booqashadii uu Puntland ku yimid raysul-wasaare Cabdi-wali Sheekh.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]