4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
Khilaaf Fikirka ah oo soo Dhexgalay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahiisa


Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/wali Sheekh ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Muqdisho isku fahmi waayay isku shaandheynta lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, taasoo uu si rasmi ah saakay ugu dhawaaqay ra’iiul wasaaraha Soomaaliya.

Warar hoose ee la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku kala tageen kulankooda, kaddib markii C/weli Sheekh uu ku adkeystay inuu isku shaandheynayo golaha wasiirrada, taasoo uu si adag u diiday madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu soo jeediyay in isku shaandheynta ay noqoto mid guud oo golaha wasiirrada lagu sameeyo, ayna dhacdo marka laga soo laabto shirka Soomaaliya loogu qabanayo Denmark, taasoo uu diiday ra’iisul wasaare C/weli.

Kala fikir duwanaashaha u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowr jeer soo laalaabtay, iyadoo madaxweynuhu uu ka sheegay qalabka warbaahinta bishii hore inay jirto kala fikir duwanaan u dhexeysa iyo ra’iisul waasarihiisa.

“Waa jirtaa in kala fikir duwanaasho ay inoo dhexeyso aniga iyo ra’iisul wasaaraha, waxayna taasi qayb ka tahay dowladnimada, sidaas ayaana ku wada-shaqeyn doonnaa… haddii kalena waan kala tagaynaa, laakiinse mar walba waxaan ku dadaalanaynaa in muranka lagu xalliyo hab dastuuri ah,” ayuu yiri madaxweynaha oo bishii hore wareysi uu VOA-da siiyay intii uu ku sugnaa Mareykanka.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ah wasiir aad ugu dhow madaxweynaha ayaa loo dhiibay saakay wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirka daaqa, iyadoo sidoo kale wasiirkii xilkaas hayay loo wareejiyay wasaaradda cadaaladda oo ahayd mid uu horay u hayay Faarax Sh. C/qaadir. Taasoo ah midda ugu weyn ee ay isku qabteen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

Si kastaba ha ahaatee, isbedelkan ayaa u muuqda mid aanu madaxweynuhu ku qanac-sanayn, iyadoo aan la ogeyn go’aanka kasoo bixi doona, mar haddii ra’iisul wasaaruhu uu ku dhaqaaqay fikirkii ay isku qabteen madaxweynaha.

Ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon (Saaacid) ayaa xilkiisa ku waayay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynaha, kaasoo salka ku hayay isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, taasoo u muuqatay in madaxweynuhu uu ku waayayo xubnaha aadka ugu dhow.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya