4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
Kenya oo sheegtay inay Xubno Al-shabaab ka tirsan ku dileen Jubbada Hoose

Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Milateriga Kenya ayaa sheegay in Ciidammo ka tirsan kuwooda AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku dileen 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka milateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa sheegay habeenkii Khamiista inay weerareen laba saldhig oo ay Al-shabaab ku lahayd deegaan lagu magacaabo Magambo oo 60-km u jira Kismaayo iyo deegaan kale oo 30-km waqooyi kaga beegan Kismaayo.

“Intii ay weerarradu socdeen waxaan ku guuleysannay inaan dilno 80 ka mid ah xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena waxaan gubnay afar dagaal gaadiidka dagaalka ah oo ay ku rakiban yihiin qoryaha daran-doorriga u dhaca,” ayuu yiri Col. Obonyo.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in labadan saldhig ay ahaayeen kuwo ay Al-shabaab kasoo abaabuli jirtay weerarrada ay kusoo qaaddo, deegaanka Buulo-guduud oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Kenya ka socda.

“AMISOM way si wadaysaa weerarrada ay la beegsanayso goobaha ay Al-shabaab kaga dhuumaaleysanayaan gobollada Jubbooyinka, si deegaanadaas oo dhan looga saaro,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka u hadlay milateriga Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ayaa weli deegaanno dhowr ah oo dalka ka tirsan gacanta ku haysa, iyagoo beegsada goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dowladda Kenya sheegto inay weerarro ku dishay xubno badan oo Al-shabaab ka tirsan, ayna burburisay saldhigyo ay lahaayeen iyo gaadiidkooda dagaalka, balse Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalyahannada ay sheegtay inay Kenya dishay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya