4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2014
Isku shaandheyn kooban oo Maanta lagu sameeyay golaha wasiirada Somalia


Sabti, Oktoobar 25, 2014 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada, isagoo isku bedelay qaar ka mid ah wasiirrada, wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha xukuumaddiisa.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Sh. Cali Dhuxulow oo warsaxaafadeedka u akhriyay warbaahinta, iyadoo la isku bedelay wasaarrada kala ah; Faarax Sheekh C/qaadir iyo Saalim Caliyoow Ibroow.

Haddaba isku shaandheyntu waxay u dhacday sidan:

1. Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, Saalim Caliyow Ibroow
2. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
3. Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyada, Burci Maxamed Xamza
4. Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda, C/llaahi Maxamed Nuur
5. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, C/raxmaan Cabdi Cismaan
6. Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow
7. Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, Mahad Maxamed Salaad
8. Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha, Fahmo Axmed Nuur

DHAGEYSO: ISKU SHAANDHEYNTA GOLAHA WASIIRRADA SOMALIA:

Isku shaandheyntan uu sameeyay ra'iisul wasaare C/weli ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu sameeyo tan iyo markii xilka loo magacaabay dhammaadkii sannadkii hore, inkastoo dhowr jeer uu khilaaf ka dhashay isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirrada.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sheegay sababta uu isku bedelka u sameeyay inay tahay in la abuuro jawi siyaasadeed oo la jaan-qaada marxaladda siyaasadeed ee uu haatan dalku marayo, isagoo u cuskaday isku shaandheyntiisa qodobka 100-aad ee dastuurka gaar ahaan xarfihiisa A iyo B.

SOO ROGO WAREEGTADA RA'IISUL WASAARAHA SOMALIA: 

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa tallaabadan ku sheegay inay tahay mid uu ku dar-dargelinayo howlaha golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, iyadoo aysan jirin xubno dibadda laga keenay, balse ay dhammaantood ahaayeen kuwo xilal ka hayay xukuumadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya