4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
Golaha Amaanka ee QM oo kordhiyay Muddada Howlgalka Ciidamada AMISOM


Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Jimcaha maanta ah muddo kordhin loo sameeyo howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo ku celiyay go'aankii ay ku mamnuuceen dhoofka dhuxusha Somalia.

Golaha ayaa isku raacay in ciidamada AMISOM howlgalkooda u sii soconayo illaa 30-ka bisha Oktoobar ee sannadka 2015, iyagoo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya aysan keensan karin hub, rasaas iyo qalab milateri ama tababarayaal iyo la taliyeyaal ka badan baahida ay dib ugu dhisayso ciidamadeeda qalabka sida.

Sidoo kale, xubnaha goluhu waxay soo dhaweeyeen tallaabooyinka ay dowladda Somalia ku doonayso inay ku xakameyso hubka iyo qalabka kale ee ciidanka, kuwaasoo loo sameyn doono guddi dabagal ku sameeya hubka la xado.

“Guddigaas waa inay noqdaan kuwo si hufan u shaqeeya oo howshooda ay noqoto mid madax-bannaan oo aanay faragelin ku sameyn hay’adaha kala duwan ee dowladda,” ayaa lagu yiri warbixin guddigu ay soo saareen, balse waxay sheegeen in tallaabooyin ay horay u sheegtay dowladdu inay hubka ku ilaalinayso aysan noqon kuwo shaqeeya.

Xubnaha golaha ammaanku ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay fuliso qorshaha geeddi socodka ah ee dalka lagu gaarsiinayo in 2016-ka ay doorasho ka dhacdo, iyadoo aysan jirin wax dib u dhac ah.

Dhanka kale, golaha ammaanka ayaa cambaareeyay sii socoshada dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhoofinta dhuxusha ay tahay mid xadgudub ku ah cunno-qabteynta Qaramada Midoobay, lana ganaaxi doono cid walba oo lagu helo iyadoo dhuxul dhoofinaysa.

Goluhu wuxuu sidoo kale cambaareeyay in hubka dowladda Soomaaliya uu gacanta u galo Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan oo ciidanka dowladda aan ka mid ahayn, iyagoo muujiyay walaaca weyn ee ay is-daba-marinta hubka ka qabaan.

Ugu dambeyn, golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku wada raacay in guddiga daba-galka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ay sii shaqeeyaan illaa 30-ka November 2015-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya