4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
Xaalad cusub oo Cudurka Ebola ah oo lagu arkay Magaalada New York ee USA


Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Dhakhtar dalka Gini kasoo shaqeeyay oo dib ugu soo laabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa laga helay cudurka Ebola, iyadoo la sheegay inuu soo dhaweeyay dad qaba cudurkan, iyadoo dhakhtarka la dhigay isbitaalka Bellevue.

Dhakhtarka oo 33-jir ah laguna magacaabo, Graig Spencer ayaa baaritaanno hordhac ah oo lagu sameeyay waxay muujinayaan inuu qabo cudurka halista ah ee Ebola, iyadoo guddoomiyaha gobolka New York uu sheegaey inaysan jirin baqdin laga qabi karo inuu cudurkan fido.

Xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurrada ee CDC ayaa sameyn doontaa baaritaankii labaad si ay si buuxda ugu caddeyso natiijada baarista ah ee lagu sameynayo dhakhtarkan, iyadoo uu noqonayo dhakhtarka qofkii afaraad oo cudurkan qaba oo lagu arko Mareykanka.

Dr. Spencer ayaa u sheegay ha’yadda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF oo uu uga shaqeynayay dalka Guinea inuu isku arkay qandho badan iyo lalabo, kuwaasoo ka mid ah calaamadaha lagu garto cudurka.

Saraakiil ka tirsan maamulka New York ayaa iyaguna sheegay in Dr. Spencer uu Arbacadii raacay tareen, isla markaana uu Taxi u qaatay gurigiisa, iyagoo sheegay inay raadinayaan cid kasta oo xiriir la sameysay dhakhtarka, laguna sameyn doono baaritaanno dheeraad ah.

Afartii qof ee laga helay cudurka halista ah ee Ebola kuwaasoo joogay dalka Mareykanka, iyadoo mid ka mid ah uu cudurkan u dhintay, waxayna tani baqdin weyn gelisay shacabka Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya