4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
XASAN SHEEKH: Al-shabaab waa in laga saaro Gobolka Galguduud (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Gaguduud inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo Al-shabaab looga saarayo qaybaha ay ka joogaan gobolkaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada isbahaysanaya ee degmadaas jooga aysan sugin weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab ay xilliyad qaar kusoo qaadaan, balse looga baahan yahay iyaga inay weeraraan xoogagga Al-shabaab.

“Maamulka degmada Ceelbuur dib u habeyn ayaan ku sameeynayaa si loo xoojiyo xiriirka shacabka iyo maamalka, ciidankana waxaa looga baahan yahay inay furaan waddooyin u xiran Al-shabaab si shacabka gargaarrada ay dowladdu ugu talo-gashay loosoo gaarsiiyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee jooga qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa la kulma weerarro joogto ah oo Al-shabaab uga yimaada, waxaana hadalka madaxweynaha uu daba-joogaa sidii weerraradaas loo xakameyn lahaa.

Degmada Ceelbuur oo uu shalay madaxweynaha iyo wafdi hoggaaminayo ay gaareen ayaa waxay kula kulmeen shacab aad u tiro yar, iyadoo arrintaan ay ku kalliftay madaxweynaha inuu hadalkan jeediyo, si dadku dib ugu soo laabtaan degmada.

DAAWO: Booqashadii Madaxweyne Xasan uu ku tagay Degmooyinka Ceelbuur iyo Baladweyne


Booqashadaas madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxay booqasho ku tageen degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay kula kulmeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo qaybaha bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya