4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
Bayle oo Sheegay in Dalal badan ay Doonayaan inay Maal-gashadaan Somalia


Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta sheegay inay dalalka iyo shirkadaha doonaya inay maalgashiga ku sameystaan Soomaaliya ay soo kordhayaan.

C/raxmaan Beyle oo u warmiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dalalkii uu booqashada ku tagay ay u soo bandhigeen dalab ah inay Soomaaliya ku sameysan doonaan maal-gashiyo kala duwan, taasoo uu xusay inay sare u qaadi doonto dhaqaalaha dalka.

“Waddamo badan oo dunida ah waxay ka war-qabaan in dalkeennu uu soo hagaagayo uuna yahay mid leh kheyraad kala duwan oo barri iyo badba leh, sidaa daraadeed waxaa soo kordhaya dalalka doonaya inay maal-gashiga ku sameystaan waddankeenna,” ayuu yiri Beyle.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in dalal fara badan ay safaaradahoodii dib uga furteen Soomaaliya, taasina ay muujinayso in dalku uu ku taagan yahay waddadii horumarka, isla markaana ay xigto in maal-gashadaan.

“Dalka waxaa ka jira fursado maalgashi oo fara badan, wadamo iyo shirkado badan oo caalami ah ayaa u soo hanqal-taagaya inay dalka ku sameystaan maal-gashi si ay dhaqaale uga helaan, taasoo fursad noo siinaysa inuu dib u soo kaco dhaqaalaha dalkeenna,” ayuu mar kale yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan London lagu qabtay shir looga hadlayo maalgashiga iyo shidaalka Soomaaliya, iyadoo shirkado badan ay sheegeen inay daneynayaan inay Soomaaliya howlo ka qabtaan isla mar ahaantaana ku sameystaan maal-gashi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna toddobaadkii hore Paris booqday ayaa wuxuu kula kulmay shirkado badan oo caalami ah, kuwaasoo sheegay inay doonayaan inay maal-gashi ku sameystaan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya