4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
Gargaarkii ugu horreeyay oo ay dowladda Somalia geysay Degmada Baraawe

Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa gargaarkii ugu horreeyay gaarsiisay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo ka mid ah degmooyinkii bishan lagala wareegay Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in lix gaari oo kuwa xamuulka ah oo wada raashin kala duwan oo mucaawino ah ay maanta gaareen degmada oo 200-km kaga beegan Muqdisho dhinaca Koonfureed.

Gaadiidkan mucaawinada sida ayaa waxaa ammaankiisa sugayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmeen intii ay waddada kusii jireen.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ayaa sheegay in gargaarkan loogu talogalay dadka degmadaas ku nool, kuwaasoo ay xuseen inay dhibaatooyin badan qabeen ka hor intii aysan dowladdu gaarin halkaas.

Raashinka la geeyay degmada Baraawe oo ka koobnaa Briis, Bur iyo saliidda raashinka lagu karsado ayaa wuxuu qayb ka yahay gargaarro kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ugu talo-gashay in lagu caawiyo shacabka ku nool deegaannadii Al-shabaab laga qabsaday.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baraawe ayaa sheegeay inuu amniga degmad yahay mid wanaagsan, gargaarkanna shacabka degmada oo dhan loo qaybin doono.

Gargaarkan ay dowladdu gaarsiisay degmada Baraawe ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dhawaan dowladdu gargaar mucaawino ah sidan oo kale u gaarsiisay degmada Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya