4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
Maamulka Jubba oo sheegay in ay shabaab kala wareegeen deegaano hor leh
Jimco, 24 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Afhayeenka maamulka Jubba oo C/naasir Seeraar Maax oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay howlgallo ay ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ka bilaabeen deegaanada Galbeed ee gobolka J/hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay xoogagga Al-shabaab kala wareegeen deegaanka C/dalla Biroole oo qiyaastii 45 KM dhanka koonfur galbeed kaga beegan degmada Kismaayo.

Mr. Seeraar ayaa xusay in sidoo kale diyaaradaha Kenya ay duqeymo u geysteen saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada Buulo Xaaji iyo C/dalla Biroole.

Masuulkana ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay sii socon doonaan howlgalladan inta ay gacanta uga dhigayaan guud ahaan deegaanada ay xoogagga Al-shabaab kaga suganyihiin Jubooyinka.

Ilaa imika wax war ah oo ku saabsan arintaasi oo kasoo baxay dhanka xarakada Al-shabaab, waxaana hadalkan uu kusoo beegamaya xilli ciidamo aad u badan ay shalay ka ambabaxeen magaalada Kismaayo kuwaasoo duulaan ku ahaa xoogagga Al-shabaab ee ku sugan galbeedka gobolka J/hoose.

........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.