4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
Masjidka Weyn ee Baydhabo oo Dib loo Furay iyo Wadaad la Xiray (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Masaajidka jaamaaca Baydhabo oo injineerro Turki ah ay dhiseen sannadkii 1920-kii ayaa dib loo fura kaddib markii muddo afar sanno ah dib loo dhisayay, iyadoo booliiska Baydhabo ay xireen mid ka mid ahaa culummadii wax ka furay masjidka.

Dib u dhiskan masaajidka jaamaca ah ee Baydhabo ayaa waxaa ka qayb-qaatay dad ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, iyadoo maanta ay ku tukadeen 9,000 oo qof, iyadoo ay furitaankiisa ay kasoo qaybgaleen tiro ka mid ah culummaa’uddiinka Soomaaliyeed, iyo aqoonyahano dalka dibadiisa iyo gudahiisa ka timid, iyadoo dadkii ku tukaday masjidka ay isugu jireen, mas’uuliyiin iyo shacabka Baydhabo.

Fowzi Cabdi Nuur oo ka mid ah aqoonyahannada Bay ayaa si kooban uga hadlay taariikhda masaajidka iyo inta qadiib ee soo martay, isagoo sheegay in masjidkan uu yahay mid taariikh weyn ku leh Soomaaliya oo dhan.

Ciidamada booliiska Baydhabo ayaa ilaalo ka haayay masjidka iyo daafihiisa, iyadoo la xiray ganacsiga hareeraha masaajidka ku yaallay si aysan u dhicin rabshado inta lagu jiro furitaanka masjidka.

Sidoo kale, booliiska Baydhabo ayaa xiray mid ka mid ah culumadii kasoo qaybgalay furitaanka masjidka, kaddib markii uu kasoo baxay salaaddii Jimcaha oo ahayd tii ugu horreysay oo masjidkan lagu  tukaday sannado badan kaddib.

Wadaadka la xiray ayaa ka mid ahaa culummadii ka timid Muqdisho si ay ugu qayb-qaataan furitaanka masjidka, waxaana lagu magacaabaa Axmed Cabdisalaan, kaasoo booliisku ay ku eedeeyeen in xilligii Al-shabaab uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka talinayay Baydhabo, isagoo guddoomiye ka ahaa guddiga abaaraha ee gobollada Bay iyo Bakool.

Hiiraan Online, Baydhabo