4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
BAN KI-MOON: Waa inaynu wax ka qabanaa Dhibaatooyinka Caalamka ka jira


Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta Aasaaska Qaramada Midoobay ayuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon oo soo saaray warbixin ku aadan maalintan, isagoo ku baaqay in wax laga qabato dhibaatooyin ka jira caalamka, kuwaasoo ay ka mid yihiin; saboolnimada, cudurrada, argagixisada, takoorka iyo isbedelka cimilada.

Dhihbaatooyinkan ayuu sheegay inay keeneen dhimashada iyo dhaawaca dad badan. Sidoo kale, qoraal uu soo saaray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay in malaayiin dad ah ay weli haystaan kooxo uu ku tilmaamay dhiig-miirato khasab ugu shaqeynta, kuwaasoo uu si adag u cambaareeyay.

“Kuwa mudan in la cambaareeyo waxaa ka mid ah; ka-ganacsiga dadka, adoonsiga xagga galmada ama xaaladaha aan la isku aamini karin ee ka jira warshadaha, beeraha ama fagarayaasha iyo goobaha macaadinta laga qodo. Dhaqaalaha adduunku weli waa garoon ciyaar oo aan sinneyn,” ayuu ku yiri Ban Ki-Moon qoraalka uu soo saaray.

Asaaskii Qaramada Midobay wuxuu ahaa ballan-qaad adag oo si rasmi ah loogu sameeyay dadyowga adduunka ku nool, si loosoo afjaro weerarrada noocaas ah ee  lagu hayo karaamada bani’aadamka iyo in loo horseedo mustaqbal wanaagsan.

“Waxaa jiray dib-u-dhacyo xanuun badan, waxaana harsan shaqo badan si loo xaqiijiyo aragtida ballan-qaadkii Qaramada Midoobay. Laakiin waxaa dhiirri-gelin inooga baahan guulihii aan gaarnay,” ayuu yiri Ki-Moon.  

Himilooyinka horumarinta kunleyda ah ee Qaramada Midoobay ayaa dhiirri-geliyay ololihii ugu guusha badnaa ee waligeed loo qaaday dabar-goynta saboolnimada. heshiisyada Qaramada Midoobay ee wax ka qabashada sinaan la’aanta, jir-dilka iyo midab kala-sooca. iyadoo ay jiraan heshiisyo kale oo deegaanka lagu difaacayo.

“Nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay ayaa kala dhexgalay xoogagga colaadda ka dhexeysa, dhex-dhexaadiyeyaasheenna waxay xalliyeen khilaafaadyo jiray. Shaqaalaheenna gargaarkuna waxay dadka gaarsiiyeen gargaar noloshooda lagu badbaadinayo,” ayuu xoghayaha guud ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambeyn,  Ban Ki-Moon ayaa sheegay in waqti xasaasiga ah la marayo loogana baahan yahay Qaramada Midoobay inay sii xoojiso ballanqaadkeedii hore ee ahaa awood-siinta dadka la liido iyo kuwa dhibaatada u nugul.

Munaasabadda Maalinta Qaramada Midoobay, waxaan ugu baaqayaa dowladaha caalamka iyo shakhsiyaadkaba inay ka shaqeeyaan danta guud iyo wanaagga guud ee caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya