4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
Ganacsato Somali ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay duleedka Cape-town

Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Koox hubaysan oo burcad ah ayaa xalay iyo gelinkii dambe ee Arbacadii lasoo dhaafay ku dilay laba ganacsade oo Soomaali ah, kaddib markii ay weerareen xilli uu ku sugnaayeen xaafada Kalija ee Magaalada Cape-town.

Ganacsadaha xalay la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Cali Brown iyadoo kan kalena lagu magacaabi jiray, Cali Axmed Cadoow, iyadoo dilalkoodu uu yimid kaddib markii burcadda dishay murmeen, xilli burcaddu ay isku dayaysay inay dhacaan dukaamo iyo gaadiidkooda.

Burcadda dilka geystay ayaa baxsaday, iyagoo horay u qaatay dhaqaale aan badnayd oo ku jiray dukaamadooda, iyadoo dilalkan ay qayb ka noqonayaan tiro ganacsato Soomaaliyeed ah oo sannadkan siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Koonfur Afrika.

Ciidamada booliiska xaafada Kalija oo gaaray goobaha dilalkan ay ka dhaceen iyagoo ka sameeyay baaritaanno aysan cidna kusoo qaban, inkastoo ay sheegeen inay baaritaannadan wadayaan illaa ay gacanta kusoo dhigaan burcaddii dishay ganacsatadan.

Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa muddo sannado ah badan lagu dilayay ganacsatada Soomaaliyeed ee dukaamada ku leh tuulooyinka iyo magaalooyinka waaweyn, iyadoo lagu sifeeyay dilalkan kuwo la xiriira isir nacayb.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay dilalka loo geysanayo Soomaalida wax ka qabanayso, inkastoo aysan jirin weli illaa hadda laga qabtay dilalka ay kooxaha hubeysan u geysanayaan ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajnabiga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya