4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 24, 2014
Golaha Wakiillada Somaliland oo isku khilaafsan Xeer ay Guurtidu soo celisay


Jimco, Oktoobar 24, 2014 (HOL) — Xildhibaannada Golaha wakiillada Somaliland ayaa isku khilaafay xeerka Diiwaangelinta Madaniga oo golaha Guurtiddu dib ugu soo celisay golaha Wakiiladda ka dib markii la sheegay in xeerkii golaha Wakiiladdu soo ansixiyey la sheegay in gudoomiyaha Gakiiladdu qodobo wax ka soo bedelay.

Xeerkan diiwaangelinta ayaa si caqlabiyad ah usoo ansixiyeen golaha Wakiiladdu, haseyeeshee markii golaha Guurtidda loo soo gudbiyey ay dib ugu soo celiyeen Wakiiladda, haseyeeshee xildhibaanadda muxaafadka ayaa gudoomiyaha Wakiiladda ku eedeeyey inuu xeerkii la ansixiyey qodobo gaar ah wax ka bedelay ka dibna Guurtidda usoo gudbiyey taas oo markii dambe la ogaaday.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, ayaa xildhibaanadda muxaafadka ku eedeeyey inay madaxtooyaddu soo dhaqdhaqaajisay, isla markaana ay golaha ka dhex abuurayaan khilaaf cusub oo hor leh.

Xildhibaan Ibraahim Rayte oo ka soo jeedda xisbiga Wadani, isla markaana taageersan gudoomiyaha xisbigiisa C/raxmaan Cirro ayaa ka difaacay eeddo ay xildhibaanadda muxaafadka ahi usoo jeediyeen kuwaas oo ay sheegeen inay xeerkii diiwaangelinta ee golaha Guurtidda loo gudbiyey uu ka saaray qodobaddii la ansixiyey, isla markaana ku darsaday qodobo isaga u gaar ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha guddida hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha Wakiiladda waxa uu ka xog waramay kulan uu maanta la yeesheen toddobadda xubnood ee guddida doorashooyinka cusub oo dhowaan la filayo in la ansixiyo ama la diiddo.

Kulan Al-baabadu u xirnayeen ayaa  guddidani  la yeesheen Komishanka doorashooyinka, kuwaas  qiimaynaya awoodda iyo kartidda ay u leeyihiin inay xubin ka noqdaan guddidan Doorashooyinka qaranka.

“Inkasta oo Waraaqaha Guddida doorashadu aad u soo habsaantay oo anaga Shalay uun ay na soo gaadheen haddana maanta ayaanu iskugu yeedhnay.sidaad ka war qabtaana cida ay tahay inay kala reebto,baadho,dabagash,xaqiijiso oo kala shaandhayso waraaqahooda iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin waa guddida arimaha gudaha wakiilada”ayuu yidhi guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee Wakiilada Rayte oo warbaahinta la hadlay ka dib markii kulankii guddidaasi la yeesheen soo dhamaaday.

“Runtii waxaad moodaa nidaam la kala leeyahay in mararka qaar la kala qaato oo Madaxtooyadu imbadan isku mashquulisay inay baadho ama celiso Xubno la soo magacaabay, awoodaasina meel alle meel ay sharciga kaga taal ma jirto, awooda celinta iyo baadhistana waxaa leh Guddidan arimaha gudaha, Sharcigayagiina waanu ka gudanay waanuna Ogolaanay Guddida” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Mar uu ka hadlayey goorta la ansixin doono waxa uu yidhi“Runtii Sabtida ayaa la iskugu yeedhay Golaha si loo ansixiyo Komishanka laakiin, waxaan maqlayay Xildhibaano badan oo diidan sababtoo ah waxay diidan yihiin ba in Komishanka la ansixiyo, waxayna u diidan yihiin in Diwaangalinta iyo doorashadu dib u dhacdo, waxayna ila tahay inaanay arintaasi u suuro galayn oo Komishanka la ansixin”

Xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee muxaafadka iyo mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyey muran soo kala dhexgalay, kuwaas oo isku haysta xeerka diiwaangelinta Madaniga oo golaha Guurtiddu dib usoo celiyey, waxaanay xildibaanadda muxaafadka soo celintaasi u arkaan mid lagu daahinayo inay dalka doorasho ku dhacdo, halka xildhibaanadda muxaafadkani gudoomiyaha golaha Wakiiladda ku eedeeyey inuu xeerkii diiwaangalinta Madaniga ahi qaabkii loo ansixiyey wax ka bedelay kuna darsaday qodobo u gaar ah taasina ay keentay in golihii guurtidda dib usoo celiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland