4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2014
FAAH FAAHIN: socdaalkii madaxweynaha ee magaalada Beledweyn (Sawirro)

Khamiis, Oktoobar, 23, 2014 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa gallinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabadifitaax Xassan Afrax, odayaasha dhaqanka, waxgarad iyo dadweyne ka koobanaa qeybaha bulshada.

Wafdiga madaxweynaha ka mid ahaa wasiiro xildhbaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya, agaasimaha hay'adda nabad-sugida iyo saridoonka
Qaranka iyo safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay diiyaaradii uula socday waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo isugu jiray ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo ka koobnaa ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya , waxaana intaa kaddib loo galbiyay xarunta ciidamada AMISOM oo aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Hadal kooban oo uu madaxweynaha u jeediyay bulshadii uu kula kulmay xerada ciidammada AMISOM ayaa waxaa uu kaga hadllay arrimo u badnaa dagaallada soo noq noqday ee deegaanka Deefoow.

Mdaxweynaha ayaa sheegay in dagaalladaasi yihiin micno darro oo aan labada dhinacba wax faa'iido ah u soo kordhin, isaga oo dalbaday in
sidda ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo.

‘’Dagaalladaas marar badan ayeey deegaanka ku soo noq noqdeen labada dhinacba wax laga faa’idey malaha, waan in aad ka shaqeysaan siddii loo joojin lahaa dagaallada, hadda kaddib ma jiro wasiir iyo xildhibaan dhax-dhaxaadin idinku iman doona, Anniga ayaa arrinta si
gaar ah ula socon doona ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Sheekh .

Dhinaca kale waxaa jiray kulan gaar ah oo ay wadda qaateen wafdiga madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka oo si hoos leysugu xog-wareystay mana jirin cid warbaahinta faah faahin ka siisay kulanka.

Laakiin warar si hoos aynu ka helnay kulanka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo  odayaasha dhaqanka ka wadda hadalleen dagaallada
Deefoow iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Beledweyne ee looga soo horjeeday ciidammada Jabuuti.

Wafdiga madaxweynaha  oo horay u soo maray degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa maqribnimadii caawa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.