4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 23, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Baladweyn

Khamiis, Oktoobar 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu horkaacayo ayaa goor-dhow ka dagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka tirsan.

Wafdiga madaxweynaha Somalia oo kasoo duulay degmada Ceelbuur oo ka mid ah gobolka Galguduud, isagoo halkaas kula kulmay shacabka degmada, saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Booqashada madaxweynuhu uu ku tagay Baladweyne ayaa la sheegay inay la xiriirto mudaaharaadyo rabshado wata oo degmadaas ka dhacay dhowr maalmood ka hor iyo colaado soo laalaabtay oo gobolka Hiiraan ka dhacay.

Wariyaha Hiiraan Online ee gobolka Hiiraan, C/raxmaan Diini ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ay u diideen in wariyeyaasha ay tagaan garoonka diyaaradaha xilligii uu soo dagayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kulammo la yeesho mas'uuliyiinta kala duwan ee maamulka gobolka, saraakiisha AMISOM iyo qaybaha bulshada sida odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka.

Wararka ku saabsan booqashada madaxweynaha uu ku tagay Baladweyne waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya