4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 23, 2014
Qaramada Midoobay oo ka hadashay badmaaxin lagu haysto dalka Somalia

Khamiis, Oktoobar 23, 2014 (HOL) — Kooxaha burcadbadeedda Somalia ayaa la sheegay in waqtigan la joogo ay afduub ahaan u haystaan ilaa iyo 37-badmaax oo u dhashay dalal kala duwan oo caalamka ah sidaa waxaa sheegay Jeffrey Feltman oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

"Burcad badeeddu in ay wali haystaan tiradaas waxa ay kor u qaadaysaa dareenka caalamka"ayuu yiri Feltman oo tilmaamay in colaadaha ka jira dalka oo xal- laga gaaro ay yarayn karto khasaaraha maraakiibta ka soo gaaraya adeegsidga xeebaha Somaliya.

Waxaa kaloo uu xusay in xiligan loo baahan-yahay wax ka qabashada dhibatoyinka dalka ka jira si xeebaha Somaliya ay amni u noqdaan. Maraakibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Somaaliya ayaa horumar ka sameeyay in la dhimo weerararadii kooxaha burcad badeedda.

Bishi la soo dhaafay shirkii golaha ammaanka ee lagu qabtay New York waxaa looga dooday in la hirgalayo aragtida dowladda Soomaliya ee sanadka 2016-ka markaasoo la qorshaynayo in wadanka ay ka qabsoonto doorasho xor ah.

Si gaar ah waxaa hoosta looga xariiqay dar-dar-galinta dib-u heshiisiinta dhinacyada Somalida iyo in dalka laga hirgaliyo sharciyada caalamiga ah si loo helo adeegyada guud ee bulshada oo ay ugu horeeyaan waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.

Ugu danbayntii shirkas oo ay wada jir u gudoominyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxa Midowga Afrika haweynayda lagu magacaabo Nkosazana Dlamini Zuma ayaa Somaliya loogu ballan qaaday in dhinacyo badan laga caawin doono .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]