4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 23, 2014
Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray degmada Ceelbuur


Khamiis, Oktoobar 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya.

Wafdiga madaxweynaha Somalia oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia ayaa waxaa Ceelbuur kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee degmadaas ku sugan.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxay kulammo la leeyihiin bulshada ku nool Ceelbuur iyo saraakiish ciidamada, iyadoo lagu wado inuu fagaare kula hadlo shacabka Ceelbuur.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu uu ku tago degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud tan iyo markii ay AMISOM iyo ciidamada dowladda kala wareegeen Al-shabaab oo muddo sanado ah ka talinaysay.

Degmada Ceelbuur ayaa waxaa dhawaan booqday wafdi ka socda AMISOM iyo Qaramada Midoobay, kuwaasoo ay wehliyeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Somalia, iyagoo u kuur-galayay xaaladda amni iyo midda nololeed ee degmadaas.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu tago degmada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo dhawaan uu ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Madaxweyne Xasan ayaa horay u booqday Cadale iyo Baraawe oo ka kala tirsan gobollada Shabeellooyinka, kuwaasoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM bishan kala wareegeen Al-shabaab.

Wixii kasoo kordha booqashada madaxweynaha Soomaaliya waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya