4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 23, 2014
Xukuumadda oo Shaacisay in ay Shidaal ku soo Saarayso Lix Sano Gudahood

Khamiis, Oktoobar 23, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa qorsheynaysa inay shidaalka Soomaaliya kusoo saarto muddo lix sano gudahood ah, sida uu sheegay wasiirka shidaalka iyo tamarta Somalia, Daa'uud Maxamed Cumar.

Wasiirka ayaa sheegay inay dajinayaa qorshe ah in shidaalka Soomaaliya uu sababo xiisado cusub oo dalka ka dhasha. Waxaana arrintan ay imaanaysaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud uu Ogoosto ee sannadkan sheegay in qorshaha baarista shidaalka iyo gaaska Soomaaliya la soo gaba-gabeyn doono sannadkan.

"Dowladda Soomaaliya, waxay qorsheynaysaa inay horay u sii socoto. taas oo qayb ka ah horumarinta dalka," ayuu yiri Cumar, isagoo intaas raaciyay. "Aad ayaan uga taxadaraynaa in shidaalka iyo gaaska Soomaaliya uu sababo colaado iyo xiisado cusub."

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in 70% dhulka Soomaaliya ay gacanta ku hayso dowladda, taasina ay sababtay inay soo jiitaan maal-gashadayaal badan oo calaami ah. Iyadoo dowladdu ay dhawaan ka dalbaday shirkadihii horay baaritaannada uga waday dalka inay howlahooda billlaabaan.

"Qorshaheenna ugu weyn waa inay shirkadihii horay heshiisyada ula galay Soomaaliya ay dib u soo laabtaan oo ay howlahooda billaabaan," ayuu mar kale yiri wasiirka shidaalka iyo tamarta Soomaaliya.

Daa'uud Maxamed Cumar ayaa sidoo kale sheegay in baaritaannadii horay loo sameeyay ay caddeynayaa in Soomaaliya ay hodan ka tahay shidaalka iyo gaaska, isagoo xusay in haddii khayraadkaas lasoo saaray uu dalku ku tallaabsan doono horumar dhaqso leh.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Soomaaliya loogu qabtay London shir looga hadlayo shidaalka iyo maal-gashiga Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qaybgaleen mas'uuliyiin ka socday shirkado caalami ah.

"Shirkadeenna Soma Oil & Gas waxay baaritaanno ka sameysay xeebaha Soomaaliya, waxaana baaritaannadaas ay muujinayaan in shidaal badan uu ku jiro," ayuu shirkaas ka sheegay ku xigeenka madaxa shirkaddan, Alastair Milne. Wuxuuna hadalkiisa ku daray. "Aad ayaan uga baaraan dagaynaa in la soo saaro shidaalka, waayo waxaan u baahannay inaan dajinno qorshayaal lagu saaro."

Qorshaha soo saarista shidaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay Soomaaliya iyo Kenya uu muran dhinaca badda ah, iyadoo wararku ay sheegayaan in badda lagu muransan yahay uu ku jiro shidaal fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya