4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 23, 2014
Dowladda oo sheegtay inaan dalka la keeni karin Ciidan ka socda Sierra Leone

Khamiis, Oktoobar 23, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah qoraal ugu dirtay dowladda Sierra Leone iyo ururka Midowga Afrika, kaas oo ay kaga dalbanayso inaan dalka la keeni karin ciidammo ka socda Sierra Leone oo ciidamadeedu ay qayb ka yihiin kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay oo Arbaco ahayd baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inay u direen Midowga Afrika iyo Sierra Leone codsi ah inaan la bedeli karin askarta Sierra Leone ee dalka ku sugan, si looga hortago in cudurka Ebola uu dalka soo galo.

"Si looga fogaado khatarta cudurka halista ah ee Ebola iyo inuu dalkeenna soo galo, waxaan qoraal arrintaas ku saabsan u dirtay Midowga Afrika iyo dowladda Sierra Leone, waxaana ku sheegnay inaan ciidammo bedel ah la keeni karin Soomaaliya iyo inay xubno dalkaas ka socda ay Soomaaliya ku yimaadaan booqasho," ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inay walaac xooggan ka qabaan inuu cudurkan kaga yimaado dalalka uu ka dillaacay oo ay ka mid tahay Sierra Leone oo ay ciidamadoodu dalka ka howlgalaan.

"Waxaan la soconnaa in haddii uu cudurkan soo galo dalkeenna uu si xad-dhaaf ugu baahi karo shacabkeenna, sidaa daraadeed waxaan arrintaan u sameynay inaan badbaadinno shacabkeenna," ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Jawaari.

Hadalka afhayeenka baarlamaanka ayaa imaanaya xillli ra'iisul wasaaraha oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho uu sheegay in xukuumaddu ay arrinta ku saabsan cudurka Ebola kala hadashay dalalka uu ka jiro ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan booqday dalka Burundi oo ay ciidan nabad-ilaalin ah ka joogaan Soomaaliya, isagoo madaxda dalkaas kala soo hadlay xadgudubyo la sheegay inay ciidankoodu u geysteen dumar Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan ciidammo ka socda dalka Sierra Leone oo loosoo waday Soomaaliya laga helay mid ka mid ah cudurka Ebola, taas oo keentay in la hakiyo ciidamadaas oo bedeli lahaa kuwo horay dalka ugu sugnaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya