4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 23, 2014
Amnesty oo uga digay Netherlands in ay dib u celiso Qoxootiga Soomaaliyeed

Khamiis, Oktoobar 23, 2014 (HOL) — Hay’adda Amnesty International oo u xuquuda aadanaha u doodda ayaa warbixin ay soo saartay waxay eedeyn ugu jeedisay dowladda Holland, taasoo ay hay'addu ku sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee Holland ku nool ay ku celiso goobaha dalka ay kaga sugan tahay Xarakada Al-shabaab, iyadoo xustay inay taasi xadgudub ku tahay xeerarka caalamiga ah ee qoxootiga.

Amnesty ayaa ugu baaqday in dowlada Netherlands inay bedesho qaabka iyo xeerarka qaxootiga dalkeeda ku nool, isla markaana ay xurmeyso xuquuqda dadka magan-galyo doonka ah ee dalkeeda imaanaya.

Sidoo kale, hay'adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in tixraacyo dhowr ah oo ay sameesay ay ku ogaatay in Axmad Siciid oo ah wiil Soomaaliyeed oo 26-sano jir ah ay Holland dib ugu celisay, isagoo dalkaas ku noolaa 20-sano.

Dhanka kale, afhayeenad u hadashay waaxda socdaalka ee dalka Netherlands ayaa BBC-da u sheegtay in codsiyada dadka megengelyo doonka ah loo qiimeynayo si shaqsi-shaqsi ah, qiyaastii 30-qofna ay dib ugu celiyeen Soomaaliya sannadkan 2014-ka oo keliya.

Bishii May ee sannadkan ayay Qaramada Midoobey ku boorisay dalalka ay ku nool yihiin qoxootiga Soomaaliyeed inaysan ku celin meelaha ay noloshoodu halista tahay, sida deegaannada ay ka taliso Al-shabaab.

Warbixinta Amnesty ayaa imaanaysa xilli koox ka tirsan fannaaniinta waaga cusub ee saldhiggoodu ahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ay magan-galyo weydiisteen Netherlands, kaddib markii ay Kenya kala laabatay warqado qoxootinimo oo ay dalkaas ku joogeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya