4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 23, 2014
Guddiga Amniga Qaranka oo Go'aanno kasoo saaray kulan ay Xalay yeesheen


Khamiis, Oktoobar 23, 2014 (HOL) — Gudiga Amniga Qaranka ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Muqdisho, kasoo ay uga hadleen ammaanka caasimadda iyo sidii loo adkeyn lahaa, waxay kasoo saareen go’aano lagu Amniga lagu xoojinayo.

Kulanka oo aan caddi ahayn ayaa waxaa shir guddoominayay wasiirka diinta iyo owqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed waxaa ka qaybgalay taliyeyaasha nabad-sugida Qaranka, booliiska, milateriga, kuwa AMISOM iyo la-taliyeyaal ajnabi ah oo dowladda ka caawiya sugidda amniga.

Intuu socday shirka ayaa waxaa la isku weydaarsaday aragtiyo kala duwan oo la xiriira arrimaha amniga iyo qaabka howlgalka loo wajahayo, waxaana loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qayb-qaataan howlgallada lagu sugayo amniga.

Go’aannada shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah; In ciidanka amniga ay maalmaha soo socda si wadajir ah howlgallo uga sameeyaan Muqdisho, kaasoo ah mid guri-guri ah. In la bartilmaameedsado goobaha lagu tuhmayo Al-shabaab ee laga soo maleego garaashyada iyo koontaroolada laga soo galo Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cusmaan oo la hadlay warbaahinta kulanka kaddib ayaa sheegay in shirkan laga soo saaray go’aano muhiim ah oo lagu adkeynayo ammaanka caasimadda, isagoo ka dalbaday shacabka inay u dulqaataan inta uu socdo howlgalku socdo, haddii ay kala kulmaan dhibaato.

"Wax badan ayaa ka bedeli doonaan ammaanka caasimadda howlgallada la qorsheynayo inay dhawaan billowdaan. Hay’adda ammaankuna waxay qaadi doonaan tallaabo weyn, waxaa la sameynayaa howlgallo ballaaran oo guri-guri ah, in garaashyada la bartilmaameedsado, in la adkeeyo koontaroollada laga soo galo caasimadda, wax kasta oo lid ku ah amniga laga hortago," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto gurigii ama garaashkii lagu qabto waxyaabaha qarxa ama lagu fashiliyo wax ammaanka lid ku ah, isla markaana tallaabadaas ay noqon doonto mid aan ka noqosho lahayn.

Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale xusay inaysan aqbali doonin mas’uuliyad darrada ka dhalan karta gawaarida ay leeyihiin dadka bartilmaameedka u ah Al-shababa ee lagu xiro waxyaabaha qarxa, isla markaana haddii waxyaabo qarxa lagu xiro gaarigiisa la weydiin doono sababta uu u dayacay gaarigiisa; isagoo xusay in loo baahan yahay inay xil iska saaraan meelaha ay gaadiidka dhiganayaan.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen, kuwaasoo ay mas'uuliyaddooda sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya