Arbaco, Oktoobar 22, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al-shabaab xukun rajmin ah ku fuliyeen nin dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyey inuu gabar kufsaday.
Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cali Axmed da'diisuna 18jir tahay, waxaa lagu soo eedeeyey in isagoo qori adeegsanaya uu meel miyi ah ku kufsaday gabar 28-jir ah oo lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamuud.
Qaadiga maxkamadda xukunka ridey ayaa sheegay in Xasan Axmed qirtay dembiga lagu soo eedeeyey, sidaas darteed maxkamaddu ku xukuntay in dhagax lagu dilo maadaama uu gogol dhaaf sameeyey.
Qaadigu wuxuu intaas ku daray in gabadha dhibanaha ah loo xukumay meher lagu qiimeeyey waxa lagu meheriyo gabdhaha deegaanka kaasoo noqonaya qaalin lo' ah oo labo sano jir ah.
Ma ahan markii ugu horeysey ee Al-shabaab xukun caynkan ah ku fuliso qof lagu soo eedeeyey inuu gogol dhaaf sameeyey, haseyeeshee bishii September ee lasoo dhaafay ayaa degmada Baraawe lagu rajmiyey haweeney 33 jir ahayd oo lagu soo eedeeyey inay saddex nin isla guursatey.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqidho, Soomaaliya
Al-shabaab oo Gobolka Shabeellada Hoose ku dilay wiil ay ku eedeeyeen Sino
More News
- Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo laga masaafuriyey dalka Itoobiya
- Arday Soomaaliyeed oo wax ka barta Turkiga oo looga shakiyay Cudurka Ebola
- Gobolka Hiiraan oo laga soo dhaweeyay hirgelinta xafiiska Hay'adda Shabeelle
- Dowladda Somalia oo Gar-gaarkii ugu Horreeyay Gaarsiisay Degmada Cadale
- Jaamacadda SIMAD oo Maanta Shahaadooyin Master ah Guddoonsiisay Arday
- Wajigii labaad ee ka-hortagga Gudniinka fircooniga ah oo Muqdisho ka Furmay
- SH. SHARIIF: Xaalka Somalia Xog-ogaal uma ihi waxaana ku jiraa Waxbarasho
- Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo Maanta booqday Dhaawacyo
- Toban Hindise Sharciyeed oo Maanta loo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya
- Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo dhawaantan la billaabi doono
- Afar Ruux oo la sheegay inay Qaraxyo Qorsheynayeen oo lagu qabtay Doolow
- Maamulka Jubba oo sheegay inay Caawinayaan Beeraleeyda Gobolka J/Hoose
- Ra'iisul wasaare C/weli oo Muqdisho kusoo laabtay kana hadlay cudurka Ebola
- Dagaal xalay ka dhacay deegaanka Luglow oo gobolka Jubada hoose ka tirsan