4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
Shir looga Hadlay Wada-shaqeyn Dhexmarta Shacabka iyo Ciidamada Amniga oo Muqdisho lagu Qabtay


Talaado, Oktoobar 21, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow oo maanta ka qaybgalay shir dhexmaray ciidamada booliiska Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa sheegay in haddii wada-shaqeyn dhab ah ay dhexmarto ciidamada booliiska, AMISOM iyo shacabka ay horseedi karto in nabadda iyo xasilloonida dalka dib loosoo celiyo.

Shirkan oo ujeeddadiisu ahayd in si dhow ay u wada shaqeeyaan AMISOM iyo hay'adaha dowladda federaalka iyo sida ugu fiican ee ay ula shaqeyn lahaayeen bulshada qaybaheeda, taasoo si ay u keenaan nabadeynta iyo xasiloonta dalka, iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen taliyaha AMISOM, taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Somalia iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.

“Marka hore waxaan u mahadcelinayaa Qaban-qaabiyeyaasha kulankan oo muhiim u ah nabadeynta dalka; looga gol-leeyahay sidii ay wada-shaqeyn dhow u dhexmari lahayd ciidamada Somalia, AMISOM iyo shacabka, si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka. Wasaaradda warfaafintu waxay doonaysaa inay wacyi-gelinno u sameyso shacabka Soomaaliyeed, taasoo u ah muhiim qorshaha nabdeynta Somalia oo dhan iyo sidii kalsoonida dadka loo hanan lahaa, waana tan furaha u ah nabadda iyo xasilloonida dalka," ayuu ku sheegay wasiirka warfaafinta hadal uu kulanka ka jeediyay.

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaa ku daray. "Waxaa lagama maarmaan ah in booliiska AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay wada-shaqeeyaan si loo xoojiyo hirgelinta qorshaha nabadeynta, kaasoo haddii ay si dhow iskula shaqeeyaan horseedi doonta in qorshahan uu si fudud ku hirgalo.”

Wakiillada ka socda bulshada rayidka ah ayaa iyaguna kulanka ka sheegay inay fursad wanaagsan tahay in wada-shaqeyn ay dhexmarto qaybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyagoo xusay inay tani horseed u noqon karto in dalkan uu helo xasillooni waarta. Iyagoo intaas ku daray inay dhiirri-gelinayaan in kulammo noocan oo kale ah oo joogto noqda la qabto.

Bulshada rayidka ah ayaa door weyn ka qaadan kara inay shacabka ku qan-ciyaan inay qaybtooda ka qaataan fulinta iyo meel-marinta qorshaha lagu doonayo in dalka oo dhan lagu nabadeeyo, kaasoo ay dowladda Soomaaliya hormuud u tahay.

Sidoo kale, shirka waxaa ka hadlay taliyaha booliiska AMISOM, Annad Pillay iyo taliye ku xigeenka booliiska Soomaliya, iyagoo carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in shacabka lagu qanciyo in booliiska ay u arkaan inay yihiin kuwo nabaddooda ka shaqeynaya, taasoo ay xuseen inay kordhin karto kalsoonida ay shacabku ku qabaan ciidamada booliiska, gaar ahaan kuwa Soomaaliya.

"AMISOM iyo ciidamada booliiska Soomaaliya waxay hayaan shaqo aad u wanaagsan oo ah in nabadda iyo xasilloonida dalka la adkeeyo; inkastoo ay mararka qaarkood dhacaan weerarro ay kooxaha argagaxisada soo qaadaan, kuwaasoo ay la beegsadaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin,” ayuu yiri mar kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, dhuxuloow ayaa sheegay in dhammaan ciidamada ammaanka lagu taageero howlaha ay bulshada u hayaan laguna kalsoonaado, isagoo ku daray hadalkiisa in howlaha ay hayaan ay qayb ka yihiin kuwo lagu soo celin karo kalsoonida shacabku ay ku qabi karaan ciidamada amniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya