4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
Dagaal Ciidanka Dowladda & Al-shabaab ku dhaxmaray Duleedka Beledweyne

Talaado, Oktoobar 21, 2014 (HOL) — Inta la xaqiijinayo ku dhawaad todobo ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku ku dhaawacmeen dagaal ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhaxmaray deegaan lagu magaacaabo War-dagaal oo 24km u jira magaalada Beledweyne.

Sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab isku dayeen in ay weeraraan gadiid gargaar sidday gaargaar la doonayay in loo qeybiiyo dadka ku ku dhibaateysan deegaanno ka tirsan gobolka.

C/fitaax Axmed Cismaan oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in tiro ku dhaw todobo ruux ka dilleen sidda uu hadalka u hadalka u dhigay xoogagii weerarka soo qaaday, isagoo intaa ku darray in dhacooda iska horimaadka uga dhaawacmeen saddex askari.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo Xarakada Al-shabaab ay kasoo saareen dagaalka la sheegay inuu ka dhacay duleedka Beledweyne. Inkastoo kooxda sanadkan lagala wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan hadana waxaa ay maamulaan oo ay gacanta ku hayaan deegaanno dhowr ah oo ku teedsan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya