4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
Maxkamadda gobolka Banaadir oo damiin kusii daysay Milkiilihii radio Shabelle


Talaado, Oktoobar 21, 2014 (HOL) — Milkiilaha idaacadda Shabelle iyo wariye ka mid ah wariyeyaasha ka howlgalayay idaacaddaas oo laba bilood ah u xirnaa dowladda Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay maxkamad, iyadoo milkiilihii Shabelle, C/maalik Yuusuf lagu sii daayay damiin, halka wariyihii maxkamadda lala keenayna dib loogu celiyay xabsiga.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa kusoo oogtay milkiilaha Shabeelle eedeymo ay ka mid yihiin; inuu wariyeyaasha idaacadda ka howlgala ku dhiirri-geliyay inay falal dambiyeedyo ku kacaan, kicin dadweyne iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa wax ka weydiiyay milkiilaha iyo wariyaha inay dambiyadaas galeen, laakiinse way iska diideen inay dambi-yadaas galeen.

Intaa kaddib, Xaashi Cilmi ayaa ku dhaawaqay inay maxkamadeynta wariye Axmed Cabdi Xasan iyo milkiilaha Shabelle C/maalik dib loo dhigay, inkastoo aan la sheegin muddada dib loo dhigay.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa weydiiyay qareennada u doodaya wariyaha iyo milkiilaha inay codsi qabaan, iyagoo ka dalbaday maxkamadda inay damaanad kusii dayso milkiilaha Shabelle, taas oo maxkamaddu ogolaatay, balse ay baasaboorrada ka reebtay milkiilaha Radio Shabelle, ayna amar ku bixiyeen inaanu dalka ka bixi karin in dacwadu ay socoto.

Dhanka kale, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo wax laga weydiiyay dib u dhigista ay dalbadeen in dacwadda wariyaha iyo milkiilaha Shabelle dib loo dhigo, isagoo sheegay inay ka mid tahay nidaamka dacwooyinka caalamka, ayna xeer ilaalintu soo bandhigi doonto markhaatiyaal iyo caddeymo la xiriira dambiga loo haysto milkiilaha iyo wariyeyaasha Shabeelle.

“Maxkamaddu marka ugu horreysa ee qofka la horkeeno dambiyada loo haysto ayaa loo akhriyaa ee markhaatiyaal lama keeno, taasna waa sharci qaanuuni ah oo aan xaq u leennahay. Fadhiyada dambe ayaana caddeymo iyo markhaatiyaal aan ku keeni doonnaa,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha Axmed Cali Daahir oo BBC-da la hadlayay, markii maxkamadda lasoo xiray.

Xeer ilaaliyaha oo la weydiiyay in xilliga ay xiran yihiin uu aad u dheeraaday, isagoo ku jawaabay in sharciga uu u ogol yahay inay baaritaanka wadaan 90 maalmood, balse ay ku ammaanan yihiin in muddadii dacwad-oogista ay soo dadajiyeen. Isagoo xusay in caalamka meel ay ka dhacdo tanoo kale ay aad u yar tahay.

Mar la weydiiyay in dacwadda loo haysto wariyeyaashan la siyaasadeeyay oo ay dowladdu doonayso inay ku caburiso saxaafadda xorta ah ayuu kaga jawaabay. “Inta adduunku jiro dood way iska jiraysaa, waayo waa mid ku saleysan dabeecadda bani’aadamka, uma arko inay doodahaas macno weyn leeyihiin. Innagu lug kuma lihin wax siyaasad ah, howsheennana waa inaan baarno fal-dambiyeed dhacay, dacwaddana aan ku horgeynno maxkamadda, iyadoo ugu dambeynna go’aan ka qaadanaysa.”

Wariyeyaasha idaacadda Shabeelle iyo Milkiilaha idaacadda oo la xiray bishii Ogoosto ee sannadkan ayaa tan iyo markaas ku xirnaa xabsiga iyagoo aysan maxkamadi xukumin, taas oo ay wariyeyashu ka howlgala Muqdisho si aad ah uga cowdeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya