4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 21, 2014
Siilaanyo oo Dacaayad ku Tilmaamay in uu ka Tanaasulay Musharaxnimadiisii


Talaado, Oktoobar 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa beeniyey warar sheegaya inuu ka tanaasulay inuu isa soo sharaxayo doorashadda dambe ee madaxweyneimo oo baryahan dambe la isla dhex-marayay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay wararkaasi ahaayeen dacaayadihii awal horeba suuqa la galin jirey, isla markaana cadeeyey inuu u taagan yahay doorashadda dambe ee sanadka soo socdo la filayo inay dalka ka qabsoonto.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka warbixiyey  shirkii maalgashiga Somaliland ee ay soo abaabushay dawladda Britain ee  ka dhacay magaaladda London, taas oo uu sheegay inay fursad fiican u ahayd Somaliland, isla mrkaana shirkaddo waaweyni shirkaasi ka soo qaybgalleen.

Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu maanta dib ugu soo noqday Hargeysa oo uu muddo toddobaad ah kaga maqnaa wadanka Ingiriiska oo shirka maalgashiga oo wadankaasi ka dhacay bishan 14 keeddii uu ka qaybgallay.

"Shirkan aanu ka qayb galay wuxuu ahaa mid loo qabtay sidii Somaliland loo maalgashan lahaa, Shirkaasi wuxuu ahaa shir aad loo yimid, Shir aad loogu guulaystay buu ahaa oo Dawladda Ingiriiska iyo cidii kale ee timid ba ay aad iyo aad uga soo qayb galeen”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaano oo ka hadlayey shirkaasi maalgashiga ah, waxaanu intaas ku daray “Shirkaasi shir aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay kuna soo guulaysanay Illaahayna aynu ka rajaynayno Inaynu faa'iidadiisa iyo midhihiisa wax ka aragno ayuu ahaa"

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu u taagan yahay Jagada Madaxweyne ee 2015-ka islamarkaana waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya inuu tanaasulay.

“Markaan tagay waxaa la faafiyay inaanan Doorashada dambe isku soo taagaynin, wax Allaale wax ka jiraa ma jiro waanan u taagnahay Doorashada, labadayda jeer ee Sharicigu ii Ogolyahay waan dhamaysanayaa, waxayna la mid tahay Dacaayadaasi tii awalba ay Caafimaadkayga wax kaga sheegi jireen. Wax Alle iyo waxaan qabaa ma jiro,dalkayga iyo dadkaygana waan u shaqaynayaa ” ayuu yidhi mar uu ka hadlayey warar laga faafiyey oo ah inuu madaxweynuhu ka tanaasulay inuu isa soo sharaxayo.

Madaxweynaha waxa madaarka ku soo dhoweeyey dad faro badan oo ay hor kacayaan, raxan wasiiro ah, xildhibaano iyo dadkale, kuwaas oo safaf dhaadheer u galay sidii ay usoo salaami lahaayeen.

Si kastaba ah ahaate, warbaahinta gudaha ayaa maalmihii hore qoraysay in madaxweynuhu ka tanaasulay musharxnimaddii madaxweynenimo ee uu doonayey inuu mar labaad isa soo sharaxayo, haseyeeshee waxa uu arrintaas ku tilmaamay dacaayaddo ka dhan ah oo la faafiyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland